Xaflad Abaal Marino iyo Jaa’isado lagu Gudoosiinayey Ardaydii kaalmaha Hore ka Gashay Tartankii Bisha Ramadaan Oo Maanta lagu Qabtay Xarunta Ansaaru-Diinka Ee Magaalada Hargeysa

Hargeysa 6 Augost Xaflad Abaal Marino iyo Jaa’isado lagu gudoosiinayey ardaydii kaalmaha hore ka gashay Tartankii Quraanka ,Siirada ,Maxdiga Rasuulka iyo Axaadiista   ayaa lagu qabtay xarunta Ansaaru Diin ee magalada hargeisa

 

x9 (1)

Tartankan oo ay soo qaban-qaabisay Jimciyada Waxbarashada Diinigaa iyo Qabanqaabinta Xafladaha iyo Xusaska Diinigaa ayaa maanta lagu qabtay Xarunta Ansaaru-Diinka Ee Magaalada Hargeysa. Tartankan oo Ahaa mid aad loosoo agaasimayaa ayaa waxa kasoo qayb galay marti-sharaf aad u tiro badan oo iskugu jiray Masuuliyiin ,Culimo Aw-diin tiro badan. ayaa waxa ugu  horey halkaasi hadalo kooban kasoo jeediyey Agaasimaha Waaxda Fatwada ee Wasaarada Diinta iyo Aw-qaafta Somaliland Sheekh Axmed Dhinbiil waxaanu Ugu Horeyn u mahadcelieyey Jimciyada iyadu isku abaabushay Hirgalinta Tartankan ee Jimciyatul Axbaab waxaanu dhalinyarada ku guuleysatay Tartanka

 

X18

Sh.Axmed Dhinbiil waxaa uu kula Dar daarmay ardaydani in ay dadaalkooda halkaasi ka sii wadaan sidoo kale Ardaydii kale ee ka qayb gashay Tartankan ee aan ku Guuleysan kaalmaha hore ayaa uu ugu Hanbalyey sida fiican ee ay uga qayb qaateen Tartankani,

 

x10

Sidoo kale waxaa Xafladaasi ka hadley Gudoomiyaha Xarunta Ansaarudiinka Somaliland Sh.Axmed Caabi iyo Xoghayaha Guud ee Jimciyada Waxbarashada Diinigaa iyo Qabanqaabinta Xafladaha iyo Xusaska Diinigaa Sh.ibraahin Cige iidle waxayna dhamaantood ku dheeraadeen Qiimaha uu leeyahay Tartankani

 

 

X15

Gaba gabadii Munaasibadaasi Waxaa Soo Gunaanaday Gudoomiyaha Jimciyada Waxbarashada Diinigaa iyo Qabanqaabinta Xafladaha iyo Xusaska Diinigaa Sayid Maxamed Sayid C/laahi X.Cilmi Nuur Oo isugu isku Xilqaamay Qaban qaabada iyo Hirgalinta Tartankan Socday Bishii ramadaan oo dhan,

x11

Sayid Maxamed Sayid C/laahi X.Cilmi Nuur waxaa uu u hanbalyey Ardaydii ku guuleysatay Tartankan Waxaanu xusay in ay muujiyeen Dadaal dheeraada

 

Waxaanu kula dar daarmay in ay dadaalkooda halkaasi ka sii laban laabaan  waxaanu sheegay in ay tartankan Ay qabtay Jimciyatul Axbaab uu yahay kii ugu horeeyey isla markaana la qaban doono Ramadaan Kasta

 

Hadaba ardaydan Maanta loo qabtay Xafladan ee ku guuleystay Tartankii Bisha Ramadaan ayaa Tiradoodu Dhamayd 9 Arday oo ka kala socday Madarisado kala duwan oo ku kala yaala daafaha magaalada Hargeysa Waxaana mid walba la gudoon siiyey Jaa isad iyo lacago l

kala duwan

Salaanmedia

Hargeisa Somaliland