Xaflad lagu qaadaa dhigayey kaalinta y walpbaahintu ka qaadan karaan dhismaha Liberary-Hargeysa laga dhisayo oo lagu qabta

Xaflad lagu qaadaa dhigayey kaalinta ay warbaahintu ka qaadan karaan dhismaha Liberary-Hargeysa laga dhisayo oo lagu qabtay Sum
7/8/2013 5:56:23 PM

 

 

Hargeysa [SM]-Xaflad balaadhan oo lagu-iftiiminayey kaalinta ay warbaahintu ka qaadan karayaan fududaynta dhismaha cusub ee rugta heer qaran ee wax akhriska [National Library] ayaa lagu qabtay Hotlka Summer time ee  magaalada Hargeysa.

Munaasibadda xafladdan oo ahayd kulan afur iyo casho ah waxaa is wadajira u soo qaban qaabiyey Axmed Daahir Cilmi iyo Salma Sheekh kamida qurbajoogta reer Somaliland ee oo dhawaan ka soo laabtay dalka dibadiisa.

Munaasibada waxaa ka soo qaybgalay dhamaan qaybaha kaladuwan ee warbaahinta Maxalliga ah sida Website-yada,Telefeeshianda.Jaraa’idka iyo Idaacadaha,wasiirka wasaaradda qorshaynta iyo hurmarinta caalamiga ah Dr Sacad Cali Shire iyo masuuliyiin kale oo ka socotay qaybaha kalduwan ee bulshada.

Maxamed Cabdisalaan Yuusf [Faluujo]oo ah masuul sare oo ka socday qurbo joogta wax ka soo qaban qaabiyey barnaamikan oo madasha ka hadlay waxa uu sheegay inuu yahay mashruuc balaadhan oo faraxad weyn u leh bushada reer Somaliland.

Waxaa isaguna xafladdaa ka hadlay wasiirka qorshaynta Dr Sacad Cali Shire oo xafladdaasi ka hadlay waxa uu ka waramay qiimaha uu cilmigu leeyahay isla markaana laga faa’iidayo waxbadan,Dr Sacad waxa uu sheegay inay umadaha horey uga maray xagga waxbarashadu ay si weyn ugu dadaaleen badinta goobaha ay ku yaalaan Liberary-yadu “xaafadda Aan mafaalada London ka daganahay waxaan ka tiriyey 12 liberaray Haregysa oo ay wax halmalyan ku dhaw ku noolyihiina mahala Liberaray qaran” ayuu yidhi Dr Sacad.

Waxaanu ku booriyey dadweynaha kala socon doona warbaahinta qaybaheeda kaladuwan inay ku dadaalaan sidii ay uga qayb qaadan lahaayeen hirgalinta Liberaray-gaasi “ujeedada ugu weyn ee Aanu caawa u soo casuunay warbaahinta qaybaheeda kaladuwan sidii aad uga qayb qaadan lahaydeen higalinta Liberaray-gan”ayuu yidhi Axmed Daahir Cilmi.

Dhanka kalana waxa uu sheegay inay xukuumaddu bixisay dhulkii laga dhisilahaa Liberary-gan balse waxa uu ku booriyey dadweynaha reer Somaliland inay fadhiga  uga kacaan dhimaha Liberary-gan “caruuraha kale ee caalamku kuweena kama fahmo iyo maskax badna balse way ka fursad wanaagan yihiin” ayuu yidhi Mr Daahir.

“caawa waxaan idinka rabaa hadii aad warbaahinta tihiin inaad fariintaa gaadshiisaan caalamka oo dhan” ayuu yidhi Mr Daahir Cilmi “dalka UK sida uu wasiirku sheegay waxaa ku yaalla 4995 xarumood oo laga helo Liberary” ayuu yidhi Mr Axmed Daahir Cilmi.

Intaa kadib ka soo qaybgalayaasha xafladdaasi waxay daawadeen filim kooban oo ka waramayey qiimaha Liberary-yadu leeyihiin kaas oo uu soo diyaariyey Suxigiga caanka ah ee Raage Omaar,waxaa isaguna xafladda kulankaasi ka hadlay Suxufiga Cali Seenyo waxaanu sheegay inay tacliintu tahay furaha suurto galinaya nolosha Aadahama “miyey siman yihiin kuwa waxgaranaya iyo  kuwa Aan garanayn” [Ayaad] ayuu yidhi Mr Seenyo.

“dalka Hindiya hadda waxa ugu weyn ee u maanta caalamka u dhoofiyaa raashin iyo saliid toona maaha ee waa aqoonta iyo maskaxda” ayuu yidhi Mr Seenyo “beeshin Aad ku nasato barito markaad gabawdo oo ah aqoonta waa inaad qofwalbaw ku talo gasho” ayuu yidhi Mr Seenyo.

“qolyaha saxaafadda ee Aan kamidka ahay waxaan leeyabay ma noqonina sida ninkii Hilibka feedha xaga lafaha u rogay ee yidhi maxaa ku yaalla ee qariyey xaggii baruurta iyo hiblibka lahayd markaa wixii danaha qaranka ah waa inaan ka shaqaynaa” ayuu yidhi Mr Seenyo.

Wariye Xadiis Maxamed Xadsiis oo ka mida Bahda Saxaafada ayaa isaga oo ku hadlaya afka saxaafada waxa u sheegay in loo bahan yahay in saxaafada ay ka qayb qaadato barnaamijka Somaliland National Library.

Tafatiraha shabakadda  Baadiye Xadiis Maxamed Xadiis waxa uu carabka ku adkeeyey m uhiimadda ay leedahay inay warbaahintu kaalintooda ka qaataan dhimaha hirgalinta Liberary-gan Samo-Talis waxaanu yidhi “warbaahinta waxaa hortaagan duruufo dhaqaale oo kaladuwan balse taa macnaheedu maaha inay ka hor istaagto inay kaalintooda dhismaha hawlaha qaranka sidan Liberary-gan iyo kuwa lamidka ah ka qayb qaataan” ayuu yidhi.

Waxaa iyadumada xafladda kulankaasi ka hadashay Ms Salma Sheekh oo kamida dadka sida weyn ugu hawlanaa bilihii la soo dhaafay hawlaha liberary-gaas Ms Salma waxay sheegtay inuu Mr Axmed Daahir Cilmi 7 bilood ka hor ugu yimid magaalada Hargeysa kana codsaday inay kala shaqayso hawlaha Liberary-gaas.

Ms Salma waxay madashaa ku soo bandhigtay qoraal ka hadlayey muhiimadda uu bulshada u leeyahay Liberary-ga iyo sida loogu haaban yahay inay bulshadu iska kaashadaan dhaqaajintiisa [dhismihiisa] “waxaa laga yaabaa inay halkaa taalo taariikhdii dhamayd ee awoyadaa lahaayeen balse uu qofkale kaaga waramayo adigii u dhashay oo hadana Aan garanayn” ayey tidhi.

“Somaliland iyo Ingiriisku wixii ay barigii kala saxiixdeen waxaa lagu hayaa rugta kaydinta taariikhda ee dalka Ingiriisku iyada oo harag ku qoran waxay taalaa Liberary-yada UK sababta halkaa loo geeyeyna inagaaka faa’iidaysan waynay oo waxay naan lahayn leel lagu kadiyo [Liberary] ayey tidhi Sama Sheekh.

Ms Salma waxay halkaa ku soo bandhigtay muuqaalada Liberary-yo badan oo ku yaalla caalamka “halkan waxaan idin ku daawadsiinayaa Liberary-yo kaladuwan waxaanan dareemaa halkaa [Liberary] ku yaalla UK markaan fadhiyo inaan habi ah oo Aan faraxsanahay waayo waxaan is ag fadhinaa kii Professor-ka ahaa iyo kii burrito Madaxweynaha noqon lahaa” ayey tidhi.

munaasibadda kulankaasi waxaa qayb wayn ku lahaa qaban qaabadeeda ardayda jaamacadaha Hargeysa iyo Goolis iyo qaarkale kuwaas oo lagu wado inay iyihiin jiilka ugu baahida badan ee ay sida wayn u naafaysay baahida helid la’aanta rugta buugaagta ee Liberary-yada kuwaas oo waxbadan ka caawin lahaa baahiyahooda wax barasahada

Salaanmedia.com

Hargaysa/Hargaysa

xigasho.Baadiye