Xisbiga Cadaalada & Daryeelku Hanbalyo Munaasibada Ciidul Fidriga Awgeed

Eid Mubarak

Hanbalyo Munaasibada Ciidul Fidriga AwgeeD

Xisbiga Cadaalada & Daryeelku waxaa uu Hanbalyo u dirayaa dhamaan shucuubta muslimiinta gaar ahaan shacbiwaynaha reer Somaliland meelkasta oo ay dunida ka joogaan munaasibada CIIDUL FIDRIGA AWGEED

Sidoo kale xisbiga ucid waxaa uu ilaahey uga baryayaa malaayiinka islaamka ah dunida ku nool inuu ka aqbalo SOONKII,SALAADII,SAKADII iyo cibaadooyinkii dhamaan lala yimid bishaa RAMADAAN

Ciidaa Ciideedana inagu Gaadhsiiyo Bash Bash,Barwaaqo,Caafimaad iyo iimaan Sugan,sidoo kalena waxaa uu xisbiga UCID ugu baaqayaa Shacbiweynaha Reer Somaliland iney is Cafiyaan, isa Saamaxaan,isuna naxariistaan isla markaana u midoobaan cadawga reer Somaliland

 

Aamiin                                                             Aamiin                                                          Aamiin

 

Xoghayaha Warfaafinta Xisbiga Ucid

Yusuf Keyse Allahi

Â