Xisbiga Caddaalada iyo Daryeelka UCID Waxa uu Tacsi tiiraanyo Leh u Dirayaa Geerida Ku Timid Alle Ha u Naxariiste Suldaan Daahir Suldaan Amiin Written by: Ibrahim Published: 03/08/2013 @ 18:23

Xisbiga Caddaalada iyo Daryeelka UCID Waxa uu Tacsi tiiraanyo Leh u Dirayaa Geerida Ku Timid Alle Ha u Naxariiste Suldaan Daahir Suldaan Amiin

 tacsi-1

Gudoomiyaha Xisbiga Caddaalada iyo Daryeelka UCID, Murashaxa Madaxweynaha, Murashaxa Madaxweyne Ku Xigeenka ee Xisbiga UCID, Guddida Fulinta, Xubnaha G/Dhexe, G/Haweenka, G/Dhalinyarada iyo dhamaan Taageerayaasha Xisbiga UCID waxay Tacsi Tiiraanyo leh u dirayaan Alle Ha U Naxariistee Geerida Naxdinta Leh ee ku timid SULDAAN DAAHIR SULDAAN AMIIN SULDAAN FAARAX oo Xalay ku geeriyooday 03/08/2013 Dhakhtarka Hargeysa laguna aasay maanta Hargeysa.

 

Waxaanu Eebo uga baryaynaa inuu Marxuumada ja’nadii fardowsa ka waraabiyo dhamaan ummada reer Somaland-na samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo, gaar ahaan Qoyskii, Ehliyadii Qaraabadii uu  ka baxay marxuumku.

 

 

 

Â