Xisbiga UCID Oo Diraya Tacsi Ku Aadan Geerida Suldaan Barre Shire Warsame Oo Xalay (21.08.2013) Daad Ku Qaaday Dooxa Dacar budhuq

ucid

Xisbiga UCID Oo Diraya Tacsi Ku Aadan Geerida Suldaan Barre Shire Warsame Oo Xalay (21.08.2013) Daad Ku Qaaday Dooxa Dacar-budhuq.

 

JAMHUURIYADDA SOMALILAND

Xisbiga Cadaaladda Iyo Daryeelka UCID

Ref 1267 /22/08/2013

UJEEDO/Tacsi Tiiraanyo Leh

Hogaanka sare ee xisbiga cadaalada iyo daryeelka UCID, Gudida fulinta,Golaha dhexe iyo Dhamaan Taageerayaasha xisbiga ucid waxay tacsi tiiraanyo leh u dirayaan Shacabka reer S/land Gaar ahaan Bahda Salaadiinta geeridii naxdinta lahayd ee ku timid MARXUUM SULDAAN BARE SHIRE WARSAME oo Xaley Daad ku Qaadey Dooxa Dacar Budhuq

Suldaanka oo ka mid ahaa Ergo hawlo nabadeed u socotey Gobolka Sanaag

Waxaana ALLAH uga baryeynaa inuu janatul fardawsa ka waraabiyo dhamaan ummada reer Somalilandna Samir iyo iimaann saadiqa ka siiyo,gaar ahaan QOYSASKII,EHLIYADII IYO QARAABADII uu marxuumku ka baxay

 

Aamiin Aamiin Aamiin

 

Xoghayaha Warfaafinta Ee Xisbiga UCID

Yuusuf Keyse Cabdillaahi

 

– See more at: http://ramaasnews.com/index.php/News/Xisbiga-UCID-Oo-Diraya-Tacsi-Ku-Aadan-Geerida-Suldaan-Barre-Shire-Warsame-Oo-Xalay-21.08.2013-Daad-Ku-Qaaday-Dooxa-Dacar-budhuq.html#sthash.X3Z70Bfx.dpuf