XISBIGA UCID…SHIR JARAAID/WAR-SAXAAFADEED London

JAMHUURIYADDA SOMALILAND                                                                                 REPUBLIC OF SOMALILAND

ucid

Xisbiga Cadaaladda Iyo Daryeelka                                                                                                           UCID                                                                                                                                                                                 Justice and Welfare Party    

Ref/UCID/London/001/2013                                                                               Date:31/08/2013

 

SHIR JARAAID/WAR-SAXAAFADEED

London

 

Aniga oo ah Xoghayaha Guud ee Xisbiga Ucid Axmed Aden Ismaaciil (Keyse) waxa maanta oo Sabtiya oo taariikhduna tahay31 August, 2013 aan war-saxaafadeedkan u soo saaray in aan ku dedafeeyo  war-saxaafadeed lagu baahiyay mareegaha ‘internet’ qaarkood.  War-saxaafadeedkaasi oo nuxurkiisu ahaa mid lagu war-gelinaayo xubnaha golaha dhexe ee Xisbiga Ucid ee ku sugan caasimadda dalka Somaliland ee Hargeysa in ay isku yimaadaan shir taariikhdu marka ay tahay 15/09/2013War-saxaafadeedkaasi oo uu ku saxeexnaa Xogahayaha Golaha Dhexe ee Xisbiga Ucid  Md, Xasan Cismaan Aadan (Sabce).

 

Haddaba, waxa aan u sheegaynaa mas’uuliyiinta, xisbiyiinta iyo taageerayaasha Xisbiga Ucid iyo dhamaan ummadda kale ee reer Somalilandba in aanay waxba ka jirin mid la isla ogyahayna aanu  ahayn shirkaasi lagu baaqay 15/09/2013.  Weliba xitaa waxa aan odhan karaa ma aha  mid qorshahiisa  iyo haabkiisa toona la hayay bisha soo socota ee September iyo  ta ku xigta ee Octoberba.  Sababta oo ah sida laga wada warqabo marka ay taariikhdu ahayd 12/07/2013 waxa isku  biiray oo heshiis kala saxeexday Xisbigii Ucid iyo garabkii Xisbigii Udub ee uu hogaaminaayay aqoon yahan Jamaal Cali Xuseen oo hadda ah musharaxa Xisbiga Ucid ee Jagada madaxweynahay.  Qodobka koobaad ee heshiisku waxa uu sheegaayay “Labada dhinac waxay isla garteen, in tirada golaha dhexe labalaadhiyo oo la dhigo 251-xubnood. Tiradaas waxa loo kala yeelan doonaa: 100 xubnood oo Xisbiga UCID ah, 100 xubnood oo ay yeelan doonaan garabka cusub ee ka yimid UDUB iyo 51 kayd ahaan doona. Sidoo kale, waxay labada dhinac isla meel dhigeen in dhamaan guddi hoosaadyada iyo xoghayayaasha xisbiga ay si siman u qeybsadaan”. Sidaasi darteed, shirka lagu baaqayaa  waqtigan waa mid laga leeyahay ujeedooyin iyo dano gaar maadaama lagu guda jiray dhameystirka dhismaha golaha dhexe ee labadii dhinac ee isku biiray oo weli qabyo ah.  Qofka ama kooxda shirkan ku baaqdayna  waxa uu ka dhigan tahay qof ama dad geel aan dhallin gaawaha u soo cushay.

 

Ugu denbeyntii, waxa aanu sameyn doonaa baadhitaan lagu ogaanaayo cidii mas’uulka ka ahayd ku baaqida shir gole dhexe oo u muuqda mid garabeysan oo aan la isla ogeyn.  Cidii ay ku cadaadana waxa laga qaadi doonaa doonaa talaabo xeerka iyo sharciga xisbiga waafaqsan.

Allah Mahad Leh

 

Axmed Aden Ismaaciil (Keyse)

Xoghayaha Guud ee Xisbiga Ucid