Xubin Ka Tirsan Xisbiga UCID Oo Xukuumadda Iyo Kulmiye Ku Eedeeyay In Ay Jabsadeen Emailkiisii Kana Baahiyeen Warar Been Abuur Ah . :

image

Xubin Ka Tirsan Xisbiga UCID Oo Xukuumadda Iyo Kulmiye Ku Eedeeyay In Ay Jabsadeen Emailkiisii Kana Baahiyeen Warar Been Abuur Ah .

Hargeysa(SM) Aug.22, 2013-Xuseen Xasan Badmaax oo ah Ku-xigeenka Xoghayaha arrimaha gudaha ee Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID, ayaa beeniyay war sheegaya in uu is-casilay oo xalay lagu baahiyay qaar ka mid ah Mareegaha Wararka Internet-ka Somaliland, waxaanu sheegay in warkaasi uu yahay been-abuur laga sameeyay oo ay ka dambayso Xukuumudda madaxwayne silanyo iyo xisbiga Kulmiye taas oo uu sheegay in ay wado sidii ay Isaga horkeeni lahayd xisbiga UCID,sidaasna waxa uu ku sheegay mar ay warbaahintu wax ka waydiisay.
Ugu horrayn Xuseen Xasan Badmaax oo ka jawaabaya su’aal ahayd inuu iska-casilay xilkii uu ka hayay Xisbiga Muraaridka ah ee UCID iyo Xubinnimadii Xisbigaba, ayaa ku jawaabay; “Horta, warkaa anigu soomaan saarin ismanaan casilin, Xisbigaygiina kamaan bixin, Laakiin waxaa dhacday wax aan la yaabnay oo ah in Email-kaygii gaarka ahaa la jabsaday oo la iga fidiyay warkaa aan jirin ee lagu sheegayo in aan is-casilay, waxbana kama jiraan, waana been-abuur la iga sameeyay, waxaana socota baadhis iyo dabbagal aan ku raadinayno ciddii waxan geysatay”.
Xuseen Xasan Badmaax oo la waydiiyey cida uu ku tuhun sanyahay in ay jabsatay Email-kiisa gaarka ah ayaa waxa yy ku jawaabay“Haa way jiraan, waxaan ku eedaynayaa in ay Emailkayga jabsadeen oo ay warkaa iga faafiyeen beenta ah Xukuumadda iyo Xisbiga KULMIYE oo beryahan-ba waday in ay ka shaqeeyaan iska horkeenka Madaxda Xisbiga UCID, waxaanan leeyahay tallaabadaa waxaa fuliyay dad ay ka dambayso Xukuuaddu.”

Badmaax oo la waydiiyay eedaynta uu Xukuumdda ujeediyey inay Email-kiisa cidda jabsatay ka dambayso oo warkaa ka faafisay waxa uu ku caddaynayo, ayaa ku jawaabay; “Waxaan ku caddaynayaa markaan arkay qoraalka siyaasiga ah ee la iga qoray ee been-abuurka ah, waa tallaabo ay Xukuumaddu fulisay, beryahan-ba way wadday in ay isku mashquuliso iska horkeenka Masuulyiinta Xisbiga UCID oo ay ku dhex dawakhday, waxaanan caddaynayaa in aanananigu iska casilin xilkii aan Xisbiga UCID u hayay iyo xubinnimadaydii midna, xilkiina aan hayo kana tirsanahay Xisbiga Caddaaladda iyo Daryeelka ee UCID, waanan ku daba jirnaa baadhisteedii. Laakiin.”
Warka uu sheegay in Xukuumadda iyo Xisbiga KULMIYE ka faafiyeen kagana been-abuurteen ee lagu sheegay in uu is-casilay Ku-xigeenka Xoghayaha arrimaha gudaha ee Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID oo lagu sheegay War-saxaafadeed uu soo saaray ayaa u dhignaa sidan.
“Waxa aan halkan ku caddaynayaa maanta (shalay) oo ay taariikhdu tahay (ahayd) Augost 22, 2013, inaan iska casilay xilkii aan u hayay Xisbiga caddaaladda iyo Daryeelka UCID oo ahaa ku-xigeenka Xoghayaha arrimaha gudaha iyo Xubinnamadii Xisbigaba. Waxaana u sabab ah arrimahan:
1.Siyaasada Xisbiga oo noqotay mid dabar lagu xidhay.
2.Hangoolkii Xisbiga oo saddex farraar yeeshay.
3. Talladii Xisbiga oo u xuub siibatay “one man rule”
Allaa Mahad Leh
Xuseen Xasan Badmaax
Ku-xigeenka Xoghayaha arrimaha gudaha.”
Waa markii ugu horraysay ee eedaynta noocan oo kale ah uu Masuul ka tirsan Xisbiyada Mucaaridku Xukuumadda iyo Xisbil-xaakimka KULMIYE u jeediyo, sheegana inay jabsadeen Emailkiisa gaarka ah kana faafiyeen war uu ku sheegay been-abuur ku lid ah Xisbiga uu ka tirsan yahay.

 

Salaanmedia/Hargaysa