Xukuumada Siilaanyo oo Shirka Beesha Sacad Muuse Malaayin lacag ah ku Qarash Garaysay iyo Ujeedada Ka Danabaysa

Xukuumada Siilaanyo oo Shirka Beesha Sacad Muuse Malaayin lacag ah ku Qarash Garaysay iyo Ujeedada Ka Danabaysa

MAQAAL

Ugu  horeyn  waxaan  salaamayaa  dhamaanba  bahda  saxaafada  somaliland waad  salaamantahiin.
Kadib  hadaan  shirka  beesha  sacad  muuse  ee  dhawaan ka  bilowdey  degaanka Agabar  ee  waqooyiga  galbeed  ee  magaalada  hargeysa, bal  aan  is  tultaagno  sida  uu  u  socdo  iyo  jawiga  iyo  waxa  laga  filan  karo  ee  beeshasi  ka  gaadhi  karto, iyo  doorka  ay  xukumada  madaxweyne  siilaanyo  hogaanka  u  hayaa  ku  leedahey  iyo  sababaha  ay  u  fargaliseyba waxaan  rabaa  in aan  in  yar  ka  idhaahdo.
Shirka  beesha  sacad muuse  waa  shir beeleed  aan  saameyn  ku  yeelan  doonin  xukumada  siilaanyo  ayaan  anigu  qabaa, waana  arin  beesha  dhexdeeda  uun  ku  kooban, anigoo  soo  xiganya  howlwadeeno  shirka  ag  jooga, waa  shir  aan  marnaba  dhibaato  u  keenayn  ummada  reer  somaliland  ee  walalaha  ah  in  ay  hiil  iyo  hooba  isla  barbartaagaan  mooyaane.
Hadaba  bilowgii  shirka  beesha, ilaa  hadadan  uu  socdo  waxaa  ka  dhex  jira  amaba  uu  la  kowsaday  khilaafyo  iyo  is  eedeyn, xaga  madax dhaqameedka  shirkaasi  hagaaya  dhexdooda  ah, walina  sida  muuqata  kamuu  xaadarin  suldaanka  guud  ee  beelaha  sacad  muuse  iyo  subeer  awal, Suldaan  xassan Suldaan  cabdullahi.
1- Sababaha ka danbeeya  faragalinta  xukumada somaliland  ee  shirka  beesha  sacad muuse.
a- Madaxweyne  siilaanyo  oo  wali  ka  raja  qaba  in  uu  dib  u  tartamo  ,inkasta  oo  uu  hada  yahey  nin  da’ah oon  laga  yaabo  in  haduu  laba  sanno  oo danbe  xilka    hayo  in aanu  mudo  kale  qaadi  karin, ayaa  waxaa  wali  jira  tuhun  ah  in  uu  jiro  dagaal  aanu  cadaysan  oo  uu  kula  jiro   ninka  sida  weyn  uu  hungurigu  uga  hayo  kursigaasi  , dabcan  horena  siilaanyo  laftiisu  balanqaado ay  wada  galeen  balse  aan  si  cad  wali  loo  sheegin, run  iyo  beenba, ayaa  wax  uu  madaxweyne  siilaanyo  sameystay  rag  badan  oo  uu  arko  in aaney  kursigii  khatar  ku  aheyn  balse ogol  in  ay  ag  joogaan  ha  ugu  horeeyo  sheekh  samaale.
b-  tuhun badan  oo  ka  dhex  jira madaxweyne  siilaanyo  iyo  muuse  biixi, oon  hadana  wali  soo  shaac  bixin, balse  runtu  ay  tahey  in  ay  wali  jiraan  arimo  qarsoon, ayaa  waxa  uu  madaxweyne  siilaanyo  isku  dayaaa  taloobin  badan  oo  uu  rabo  in  uu  isku  hortaago  dhaqdhaqaaqyo  siyaasadeed  oo  uu  muuse  biixi  wado, rabana  in  uu  ku  sii  sameysto  saaxibo  siyaasadeed, ayaa  waxaa  soo  shaac  baxey  in  gabi  ahaanba  xilalkii  laga  tiryay  saaxibadii  golaha   wasiirada  ka  midka  ahaa  ee  gudoomiyaha  xisbiga  loo  arkaayey  in  ay  isku  dhawaayeen, isagoo  taa  badalkeeda  madaxweyne  siilaanyo  soo  xero  gashadey  rag  badan  oo  uu  u  arko  in  ay  muuse  biixi  col  na  noqonkaraan  marka  laga  hadlaayo  xukumada, si  uu  uga  cadheysiiyo  mujaahid  muuse  biixi  cabdi.
c- Sababaha  aan  labada  qodob  ee  hore  kagaga  hadalney  oo  jira  ayaa  shirka  beesha  sacad  muuse  waxaa  loo  arkey  mid  uu  muuse  biixi  abaabuley, taasina  waa  ta  keentay  in  koox  suldaano  ah  oo  toos  ugu  xidhan  wasiirka  maaliyada  iyo  madaxtooyadu  ay  qardo jeexaan  diidaan  in  suldaanka  guud  ee  beesha  subeer  awal  oo  loo  arkaayo  nin  ay  muuse  biixi  isku  jufo  yahiin  ay  gabi  ahaanba  ka  horyimaadaan,  iyagoo  fulinaya  danaha  xukumada  madaxweyne  siilaanyo  ee  ah  in  shirku  fashilmo, xukumadu  waxey   bixisay  ama  lacag  xaddhaaf  ah , oo  uu  waliba  bixiyay  wasiirka  maaliyada  somaliland  cabdul casiis  samaale, ujeedada  ugu  weynaha  maahan  in  cabdul casiis  samaale  uu  isagu  wax  doonaayo  balse  waxa  uu  fulinayaa  waa dalabka  Oday siilaanyo.
Hadaba  waxaan  odhanlahaa  xukumadu  ha  ogaato  in  lala  socdo  shilinkasta  ooy  ku  bixiso  ,hagardaamada  ummada  walalaha  ah  dhexdeeda, hana  joojiso  ficilada  caynkaasi  ah , sababtoo  ah  iska  horkenka  dadka  iyo  kan  ayaa  ii  fiicnta  waxba  laguma  helo  waxaa  laga  helaa  waa  xumaan, ee  gaar  ahaan  madxweyne  siilaanyo  ha  ka  fogaado, kala  gurka iyo  qof  la safashda uu  beesha  sacad  muuse  ka  dhex  wado ee  uu  lacagtii  dowlada  dadka  qaar  ku  maal  galiyey  qaarna  geedka  ay  galaanba goynaayo.
Maxaa  qoloda  madaxdhaqameedyada  ah  looga  baahanyay  ama  la  gudboon?
Marka  hore  hadey  jiraan cid  siyaasiin  ah  oo  wax  ka  dhexeeyaan waa  in aad  heshiisiisaan,  ka dib  kii  gar  leh  gartiisa  siiya, waana  in aad  ogaataan  in  ay  laba  qof  isu  tanaasuli  karaan, balse  maahan  in  idinka  sida  laba  dibi  la  isku  kiin diro ee  waa  in aad  si  fiican  wax  u  dhugataan.
Waa  inaad  talada  ku  darsataan in  guul  lagu  gaadho  wada  jirka  balse  is  barbaryaaca iyo  xinka  waa  wax  lagu  guuldareysto,
waxaad  qiimeysaan  ragiina  hana  yeelina  kursi  nin  ku  fadhiyo  in  nin  kale  oo  walalkiis  ah  lagu  liso  sababtoo  ah  taasi  waxey  ummada  u  horseedaa  colaad, is  nac  tafaraaruq  ee  qof  kasta  xilka  uu  maanta  hayo  ka  kale  ha  ku  taageero, ogaadana  in  beesha  qofkii  rabaa  uu  taageero  weydiisan karo, balse  taasi  maahan   wax  dadka  lagu  qasbaayo e  waa  xor, yaan  xumaan  laga  dhigin  hebel  ayaa  wax  raba.
Waxaan  ku  soo  xidhilahaa  qoraalkeyga, intaa  qof  kale  is  leedahiin raali galiya, idinku  ha  is  dumina, dadkiina  xumaan  howga  tagin.
Shirka  waxaan  ka rajeynaynaa  guul  iyo  kii  ay  ka  soo  baxaan  wax  lagu  guuleystaa, oo dalka  iyo  dadkaba  wanaag  u  horseeda.
WQ/ Tahir hussein (xumandiid)
E-mail: waayo_aragman@yahoo.com
Wararkii ugu dambeeyey