Xukuumada Somaliland Oo Golaha Wakiilada U Gudbisay Xeer Cusub Oo Lacag Lagu Kordhiyay Xoolaha Nool Iyo Cashuurtii Waddo Marista Baabuurta Oo Afar Jeer La Qaadayo

Aug 21, 2013 Hargaysa(SM) Xukuumadda Somaliland ayaa golaha wakiilada u gudbisay xeer cusub oo ay curisay kaas oo loo bixiyay xeerka horumarinta waddooyinka, oo ah mashruuc sharci oo dalka ku cusub.

Xeerkan oo la sheegay inay soo diyaarisay wasaaradda madaxtooyada oo uu Madaxweynuhu hoos geeyay maamulka waddooyinka, ayaa waxa ay xukuumaddu u gudbisay shirguddoonka Golaha Wakiilada, kuwaas oo iyaguna ku daray ajandaha kalfadhigan islamarkaana u gudbiyay mid ka mid ah guddiga golaha wakiilada si ay naaqishaad ugu sameeyaan. Xeerkan cusub ee loo bixiyay xeerka horumarinta waddooyinka, ayaa waxa ku cad in la doonayo in xoolaha nool ee dhoofa la saaro lacag dheeraad ah, iyadoo waddo marista baabuurtana la cashuuri doono sannadkii afar jeer, halka imika laga cashuuro laba jeer oo kala ah min lix bilood. Xeerkan cusubi wuxuu dhigayaa sidan:

Lo’da waxa lagu kordhiyay 3 Dollar

Geela waxa lagu kordhiyay 5 Dollar

Adhiga waxa lagu kordhiyay hal dollar

Waddo marista baabuurta oo wakhtigan ah lix bilood, waxa iyadana laga dhigay in saddexdii biloodba mar la cashuuro, taas oo sanadkii noqonaysa in la cashuuro waddo marista gaadhiga afar jeer, halka imika laga cashuuro laba jeer, waxaanu xeerku u kala saarayaa baabuurta laba qaybood oo kala ah baabuurta yaryar iyo kuwa waaweyn.

Xeerkan ayaa haddii ay golaha wakiiladu sidaas ku hirgeliyaan oo ay isku dhaafiyaan, wuxuu noqonayaa xeer dadka shacabka ah ku soo kordhiya culays dhaqaale, maadaama oo marka horeba ay la baaxaa degayaan culaysyo kala duwan oo dhaqaalaha u badan. KULMIYE ayaa wakhtigii uu ku jiray ololaha doorashada madaxtooyada wuxuu balan qaaday inaanu bulshada ku kordhin doono cashuuro dheeraad ah balse uu dhaqaalaha dalka soo gala u beekhaamin doono.

Waxase la eegayaa bal sida ay xeerkan cusub u waajahaan golaha wakiilada oo tan iyo markii ay xukuumadda KULMIYE talada qabatay looga bartay inay duuduub isku dhaafiyaan xeer kasta oo loo soo gudbiyo.

Salaanmedia/Hargaysa