YAA DEEGAANKA JUBBOOYINKA ISKA LEH ASAL AHAAN.

Habiil

Waxaa wanaagsan in umada Soomaliyeed ay xaqa isu sheegto xaq daradana ka fogaato, mudo imika laga joogo 136 sanadood ayaa waxaa duulaan sadex geesooda waxaa kusoo qaaday ciidamo isugu jira talyaani iyo carab daba dhilifyo ah oo kusoo duulay inta udhaxaysa Mombasa iyo Kiyaambooni waana lajabiyey hadana dhinaca Kismaayo oo ay bada kasoo weerareen waa lagu jabiyey in kabadan 7 sanadood ayey xaawilaayeen duulaan kama dambaysa oo ay ku qabsadaan xeebaha somalida waana lala dagaalamay dagaalkaas waxaa hogaaminayey difaaca dhulka somalida boqrtooyadii biyomaalka oo ay taageerayaan shiikhaal gandershe oodhaqaalaha somaliya gacanta kuhayey ahaana dad diinta ugu wanaagsan oo talana wada lahaa dagaalkaas sifiican ayaa looga adkaaday talyaanigii laakiin somali daba dhilifyo ah oo kayimi gobolda bari ee somaliya ayey ahaayeen kuwii soo hogaamiyey cadawga markale oo keenay dhulka somalida iyadoo uu heshiis lagalay nin isku magacaabay Suldaan Cali Yuusuf oo la dhashay Cismaan Keenadiid oo ahaa ninkii boobay boqortooyadii dirka ee xarunteeda ahayd magaalada qardho ee gobolada Bari.

Waxaa uu Cali Yuusuf Talyaaniga kulagalay inuu yahay suldaanka xukuma Somalida uuna heshiis kula galay inuu hoos geeyo maxmiyada talyaaniga Somalidii xilgaa noolayd waxay kamarkhaati kaceen in talyaanigu uu cali yuusuf dajiyey meesha loo yaqaano [KAAMBO AMXAARO] oo uu guri uga dhisay halkaas oo uu ku dhintay ninkii khayaamay qaranka somaliyeed oo sheegtay boqortooyada, gumaystahana gacanta ka galiyey heshiiskaas oo faahfaahsana waxaad kaheli doontaa buug uu qoray GENERAAL LIIQLIIQATO oo dhawaan aan soo galindoono websiteka salaanmedia,com hadii Alle yidhaahdo.

Waxaa wax lala yaabo ah in qabaailka Somaliyeed ee dhulka deganaa taariikhdooda laga been sheego iyadoo dad aan deegaanka waxba kulahayn lasiinayo dhul dad Somaliyeed kunoolaayeen 1500 oo sanadood in kabadan oo laga yaabo inay xitaa dafirsan yihiin inay dhul boob katahay oo ay socotay dhulboobkani ilaa iyo talyaanigii kadibna shuruudihii talyaanigu heshiiska kula galay qabaailkii uu kuwareejinayey talada somaliya markuu baxayey ayaa qayb ka ahayd in latirtiro taariikhda somalida dhabta ah ee degaanada koonfureed dhulak wabiyadu maraan ee shabeelaha iyo jubbooyinka, hadaba waxaa xusid mudan in lamagacaabo yey yihiin dadkii dhulka laga boobayey xageebayna deganaayeen?  qabaailka { BOORAN ALI MADAXEYNE, WARDAY ALI MADAXWENE DIR, GAALJECEL, SHIIKHAAL, BIYOMAAL, TUNI, JIIDO ALI MADAXWEYNE, DIGIL OO DHAN, MUSHUNGULI, JAREER WEYNE, } hadaba waxaa xusid mudan sideebay kusoo dageen qabaa ilka somaliyeed ee kale jubooyinka? waxaa duulaan aan ganbasho lahayn ku yimi qabaailka majeerteenka iyo kuwo xulafo la ahaa  iyagoo soo raacaya talyaaniga gumaystaha  ahaa ee ay u adeegayeen kaasoo dajiyey magaalada kismaayo oo ganacsi xoogleh kajiray{ siwaaqroon, Cismaan Maxamuud, Ciise Maxamuud, wabeeneeye, iyo ali saleeban, qabaailkaas oo kubahoobay majeerteen ayaa ugu horeeyey oo uu soo dajiyey talyanigu kadibna waxaa lakeenay xiligii xornimada kadib ogaadeen kasoo qaxay itoobiya oo uu dagaal kusoo qaaday xayle salaasa, iyadoo dawladihii kala dambeeyey mid in soo dajinaysay ayaa hadana waxaa xoog loosoo dajiyey deegaanka afmadaw ogaadeen sooc ah oo dhulka afmadoow waxaa gooni udaganaa WARDAY ALI  oo ahaa niman aad u xoolo badan waa laweeraray oo lagumaaday oo xoolihii ayaa laga dhacay ilaa lagadhsiiyey xiligii dambe inay isagaba guuraan afmadoow.

Waxaa hadaba maanta kasocda jubooyinka waa dhulboob dawladysan oo la rabo in maamul loo samaysto si loo dego loona boobo dhulka somalidu degto loogan dhigo dhul daarood leeyahay taasna masuuroobayso horey uscon weyday imikana masocon doonto, waxaanan leeyahay isku xishooda marnabana madhacyso in looga tanaasulo waxay wadaan faroole iyo ahmed madoobe iyagoo aan dhulka lahayn ragii lahaana nool yihiin yaan laysku dayin in laboobo dhulka Soomaliyeed.

Lasoco qaybo danbe Insha Allah

Habiil Cabdi Haybe