Yaa la siyaa Sakadda?Side loo kala siyaa dadka la siiynayo Sakadda? Waa Q.14aad Ee Banaamijkii SakaatulMaal

MAQAAL

Sakaddu waa tiirka saddexaad ee shanta tiir islaam, sidauu ino cadeeyay Nabegena Muxamed binu cabdulaah khayr khalqulaah (SCW).

Sidaa si lamid ah ayuu Ilaahay (CWJ) inoo caddeyay dadka la siinayo Sakadda,isagoo Ayadd sariix ah ku sheegay, waynu sheegi doona Ayadaase, waxaa igadar-daran ah, waxaa jira in badan oo dadkeena ah inay sakadooda siiyaan ciddaan ahayn dadkaa Ilaahay sheegay, taasi ay wiiqi doonto ajarkii uu doonayayqofkaasi.

 

16.5pt; -webkit-text-stroke-width: 0px”>           Hase ahatee si ay Sakaddadu u noqoto tii Ilaahay inoo tilmaanay fadlan aad udhugo qormadeenan oo aynu ku tilmaami doono dadka lasiinayo, taas oo dhaabad uah ama mus-dambeed quraanka sunaha iyo fataawaha culimadda Islaamka ah.

 

Hadiii aynu kuso dhawaano dadka sakadda la siinayo waa:

1.      Fuqaradda

2.      Masaakiinta

3.      ShaqaalahaSakadda

4.      KuwaQalbiyadooda la soo jiidayo Islaamka (Maddaxda Gaalada)

5.      Kuwala haysto ee Islamka ah

6.      KuwaDaynta aasan

7.      MuslimiintaJihaadka kujirta

8.      Socotadda

Daliilka sariixa ah ee inoo tilmaamaya Sideedan kooxod eesare ku xusan waa:

قال تعالى {إِنَّمَا الصَّدَقَاتُلِلْفُقَرَاءِ وَالْمَسَاكِينِ وَالْعَامِلِينَ عَلَيْهَا وَالْمُؤَلَّفَةِقُلُوبُهُمْ وَفِي الرِّقَابِ وَالْغَارِمِينَ وَفِي سَبِيلِ اللَّهِ وَابْنِالسَّبِيلِ فَرِيضَةً مِنَ اللَّهِ وَاللَّهُ عَلِيمٌ حَكِيمٌ} [التوبة : 60

Mid-mid aynu usoo qaadano dadka Sakadda la siinayo:

1.                 Fuqaradda

Fuqaradda waxay culimaddu ku qeexaan laba qeex oo iskahore jeeda,

Mar waxaa lagu qeexaa in Fuqaraddu tahay dadka aan haysanquutal daruurigooda ama aanu u dhamays tirnayn oo saddexda wakhti sidhamaystiran u helin,   Islamarkaana ah darajadda ugu hoosaysa ee bulshadda xagga dhaqaale ahan. Ta labaadna; cullimaddu waxay ku qeexaan in Fuqaraddutahay qof aan wax ku filan haysan hase aahtee saddexda wakhti iska hela.

Si kastaba ha ahaatee, cullimadu waxay farrta kusii goday Fuqaradda koox kasiimid ah oo aan lahayn dad ama ehel gacanta ku haya, ama dawlad ka musuuladhaqaalahooda iyo baahidoda waana:

?         Agoontaiyo caruurta wadooyinka laga hello

?         Dumarkala Furray

?         Duqaydaama dadka talax-gabay

?         Bukaankaiyo curyaamiinta

?         Fuqaradajeelasha ku xidhan

?         Fuqaraddawax shaqo ah hayn haba yaraatee.

2.     Masaakinta:

Masaakiintu waa dadka yara sareeya Fuqaradda in kastoocullimaddu halkaa ay ku la duwan yihiin oo Fuqaradda iyo Masaakiinta kolba midla saraysiiyo xagga dhaqaalaha,

Shaafici iyo Xambali waxay ku tilmaamen Masaakiinta in ayFuqaradda ka yara sareeyaan Masaakiintu dhaqaale ahaan,

Hase ahaate Xannafi iyo Maaliki waxay iyagu ku tilmaameenin Masaakiinta in ay Fuqaradda ka hooseeyaan Masaakiintu dhaqaale ahaan.

Si kastaba ha ahaatee.waa dadka la siinayo sakdda eeilahay (CWJ) si cad Quraankiisa Kariim ka ah ugu sheegay.

3.                 Shaqaalaha Sakadda:

Sakaddu waxay u baahan tahay dad u hawl galla oo sooururiya, qofkasta oo ay ku waajibtana kasoo qaada, isla markaana kuso shubaBaytul Maalka ummadda,

Shaqadoodu mahaa uun in ay soo ururiyaaan, balse waa kaydinka Sakadda,Ilaalinteeda iyadoo dawalada halka ka jirta gacan ka helaya, iyo waliba in ayqatbiyaan Sakadda si sharcigga waafaqsan,

Waxa kale oo ay cullimaddu mucaasirka ahi sheegaan inhaddii Sakadda baaqi soo hadho marka la qaybiyo ka dib sidii dhacday wakhtiggiCumar Binu Khadab (RLC), in ay shaqalaha Sakaddu ay maal-galin ku samaynkaraan, iyaddo meelo sharcigga waafaqsan lagu maal-galinayo, isla markaana ayiyagu (Shaqalaha Sakadda) gacanta ku hayaan Ummaddana uga masuulahaanayaan.

4.                 Kuwa Qalbiyadooda la soo jiidayo Islaamka (Maddaxda Gaalada):

Saddex baynu u kala qaadi doonaa kuwa qalbiyadooda diintaIslamka losoo jiidayo, hase ahaatee dadkani loo eegi maayo in ay Qani yihiiniyo in ay Fuqarro yihiin, intaa waxaa kuu dheer waa dad aan Diinta Islaamka kujirin, laakin ujeedo kale oo ayaa laga leeyahay Sakaddan la siinayo (soo xerrogalin).

Bal anu kala yara saafno qoladdan:

A.    Kuwo diinta Islaamka jecel, laakin aan wali soo galin:kuwan waxaa la rajaynayaa in ay soo galaan Diinta oo ay wanaaga Musliminta iyoSakaddasi raadayso.

B.     Kuwo jecel in ay u gargaaraan Muslimiinta (dadka Islamkaah): kuwani waxay noqon karaan:

a.       Maddaxdaama dadka ay talladu ka go?do (Ilaah baa tallo ka go?daye) (Make Decisions),taas oo qalbiggooda siinta Sakadda lagu hananayo.

b.      Dadkau gargaara Jaaliyaddaha Muslimiinta ah ee waddamaddaa Gaaladda la jooga.

c.       Mufakiriintain lagu soo dhaweeyo si loo hanto, uguna gargaaran Islaaamka.

C.     Dadka diinta Islaamka lasoo galinayo (تبليغ الذينالإسلام): iyadoo la addeegsanayohaayaddo Islaami ah iyo NGO yo ayaa waxaa lagu gaadhsiinayaa diinta Islaamkadadka Gaalada ah, Islamarkana lagu bixinayaa Sakadda, Waa inaggu waajib indiinteena Islaamka ah ee macaan aynu faafino, qof walibana iska xil saaro,inagoo ka duulayna xadiiskeenii Rasuulku (SCW) uu ku yidhi (بلغوا غني ولولأيه), qofkii Ayaad quraan ah garanayoow gaadhsii dadka.

Saddexdaa aynu sare kusoo xusnay, Siinta la siinayoSakadda waxa lagu sii xidhay qodob oo muhiim ah:

1.      Inlaga yeesho Siyaasad Sharci ah, isla markaana Ujeedo dhab ahi jirto.

2.      Inla qorsheegyo inta Sako ah ee ku baxaysa qoladan, si loogu sadd-burrin.

3.      Inlaga tig-toonaado siyaabaha loo bixinayo, iyado laga fogaanayo in natiijo celinxun (feedback) ay ku yeelato qofkan qalbigiisa lasoo dhaweeynayo, ama Islaamkaxumaan usoo jiida.

5.                 Kuwa la haysto ee Islamka ah:

Barrigii hore waxaa jiri jiray Adoomo Muslimiin ah oolagu qabsan jiray dagaallada ay gaaladda la galaan, kuwaa ayuu nasku kusodagay, hase ahaatee wakhtiggan ma jiraan Adoomo sida qaalibka ah,

Markaa Culimaddu waxay ku fasiraan in wakhtigan ay lasiman yihiin Maxaabiista Dagaaladda lagaga qabsado Muslimiinta.

6.                 Kuwa Daynta aasan:

Daynta ay kooxdan u aasantahay waa dayn iskugu jirta midshakhsi ah iyo mid Dan caama loo galay, oo isagga u gaar ah, laakin aanu iskabixin karin, Diinteen Macaan ee Islaamka ah waa Diin Maslaxdeed, wayo qofkawaxaa la ilaalinayaa mooralkiisa si aanu u noqon qof nolosha ka dhaca, ama sisharaf daro ah ugu dhex nooolado bulshada, taa Diinteenu way kasoo hor jeedaa.

Haddaba dadka dayntan laga bixinayo waxaynu u kalasaaraynaa Afar kooxood:

1.      Qofdayn shakhsi ah loo haysto: Si daynta looga bixiyo qofkan waxaa loo kala dhigayqodobo dhawr ah:

v  In aanay dayntu ka dhalan shay Macsi ah (xaaraan ah).

v  In dayntan uu u xidhan yahay (xabsi)

v  In aanu iska bixin karin daytantan.

v  In daynta bixinteedu wakhtigeedii la joogo.

2.      Qofdayn Maslaxad Bulsho ah galay: daynta wuxu u galay isagoo dad Muslimiin ah kalabad-baadinaya, tusale isagoo Maggo la isku haysto uu dayn kusii kala saaray,isagoo dhiig daataa ka baajinaya Muslimiinta, haduu doono ha ahaatdo qof Qaniah, dantaa Sakadda laga bixinayaa.

3.      Qofdamiin ka ah muslimiin Dayn lagu leeyahay: kadib markaa ayaa kii damiintay iyokii laga damiintay labadooba ay bixin kari wayeen dayntii, taana Sakada ayaalaga  bixinayaa.

4.      Qofdil aan kas ahayn ku kacay (قتل الخظأ): qofkaas oo loo haysto Maggta qofkaa u dilay, islamarkaaisagoo aan iska bixin Karin ama maskax ahaan ba u dhamays tirnayn, walibanaBayltul maalkii Ummada muslimiinta ahi aanu awoodin in laga bixiyo hadii uujiro Baytul Maal.

7.                 Muslimiinta Jihaadka kujirta:

Waxaa looga jeeda kooxdan, waa dadka u dagaalamay inaykalimadda Ilaahay sarayso, iyo xifdigga diinta Islamka, hase ahaatee CulimadaMucaasir ka ah waxay kale oo ay kusoo daraan kooxo kale sida hoos ku xusan

?         Inlagu maal-galliyo dhaq-dhaqaayadda Islaamigga ah kuwaas oo ujeedadoodu tahaysidii ay Islaamka kor ugu qaadi lahayeen

?         Inlagu taageero si kali-kaliya ama kooxo ah aba cidii xukunka Islaamka kusoocelinaysa Waddamada gacanta Muslimiinta ka baxay.

?         Inlagu sameeyo xarumo laga Faafiyo Diinta Islaamka Waddama Gaaladda si diinta loogaadhsiiyo.

8.                 Socotadda:

Waa qof socoto ah, oo aan joogin Deegaankiisii, islamarkaana aan haysan wixii uu ku gaadhi lahaa Dagmaddiisii, waxaa loo shardiyaydhawr qodob:

?         Waainuu safar ku yahay goobta uu ku suggan yahay.

?         Inaanusafarkiisu ahayn ku sharciyga waydaarsan

?         Waain aanu haysan wax uu ku gaadho Deegaankisii, hadduu doono Qani ba ha ahaadee.

Ok, siddeedaa kooxood ee aynu sare kusoo xusnay waa intaSakadda la siinayo ee Ilahy inoogu sheegay Quraanka Kariimka ah,

Haddaba waxaa jira qolooyin aan lasiin karin Sakadda ooaanay ku baxayn bal anu eegno:

1)             EhelkaNabigeena (SCW)

2)             Qofkaay kugu waajib tahay Nafaqadiisu (waalidkaa oo kale)

3)             Qofaan muslin ahayn marka laga reebo qofka qalbigiisa diinta lagu soo jiidayo.

Haddii intaa aynu kusoo dhaafno, dadyawgii Sakadda lasiinayay iyo kuwii aan la siinayn bal anu eegno siyaabaha loo bixinayo Sakadda.

Side loo kala siyaa dadka la siiynayoSakadda?

Waxaynu kusoo koobi doonaa siyaabaga loo bixinayo sakaddalaba qodob, inagoo u kala saari doona 8dii kooxood laba qaybood.

Kooxda kowaad:

?  Fuqaradda

?  Masaakiinta

?  Shaqaalaha Sakadda

?  KuwaQalbiyadooda la soo jiidayo Islaamka

Kooxdan waxaa lasiian doonaa qaddar Lacag ah oo ku filanbaahidooda ama qalab wax soo saar si ay uga baxaan xaaladaa hore ee ay kujiraan, walibana ay noqdaan sannadka dambe kuwo isku filan oo horumar gaadha.

Kooxda labaad:

? Kuwa la haysto ee Islamka ah

? Kuwa Daynta aasan

? Muslimiinta Jihaadka kujirta

? Socotadda

Kooxdan sare ku xusan, waxaa la siin doonaa wax ay kagabaxaan dhibka haysta, kuwa la haysto laga soo furto, kuwa daymaysan dayntalagaga bixiyom, ku jihaadkana abaal gudd lagu siyo, socotaddana lagu gaadhsiyoDegaankoodii.

 

Goormaa la bixinayaa Sakaatul Maalka?

Sakaatul Maalka sidaynu soo sheegnay sannadkii hal marayaa la bixinayaa, waanay muddaysan tahay.

Lama ogolla in dib loo dhigo sakadda, markay xiligeediigaadho in qofku iska bixyaa, hadii laga qarmi waayo oo ay duruufo ku yimaadaanqofka waxaa loo kaadin karaa Laba bilood ama 60 cisho.

Sakaatul Maalku kaa gudmi maayo ama kaa bixi maayo hadiaad qodoban hoos ku xusan aad kugu dhacaan:

1.      Haddaddhimito laga dhaafi maayo Sakadda, dardaaran ama ha dardaarmin

2.      Haddadlaba sano is gadhsiiyo waa in aad labaddab aad wada bixisaa hal mar, iyadooanay qurux badnayn in laba sano la is gaadhsiiyo.

3.      Haddiiaad Kacdo ama aad Musalafto sannadkii gudihisa laba mid uun bay Sakaddu kagadhacaysaa (lagaaga dhaafayaa):

a.       AdooMaakii ku dhaafeen intii anad ka Sakayn.

b.      Qofkiioo dadaalay, laakin Maalkii ka faro baxay (Musalafay)

4.      Haddiibeer tii ba?do intii aan la goyn, Sako laguma laha, laakin haday ba?do oo aysoo hadhaan wax Nisabki gaadhaa(653kg), intaa soo hadhay bad ka Sakayn.

5.      QofkaSakada soo ururinayaa isagaa ka masuula Maalka Sakadda ah wixii ku yimaada,laakin hadii Maalku ku lumo ama lawaayo isagoon aan Baylihin (dayicin) waxdamaanad ah laguma laha.