Sep 13,2013 Bosaaso(SM)Waxaa markii ugu horeysey si cadd loo xaqiijiyey inay dowladda Puntland ee Soomaaliyed ka qayb galayso shirka New Deal ee maalmo kadib ka furmaya Brusselis kasoo looga hadlayo arrimo quseeya Soomaalida.

Ka qeyb galka shirkan waxaa horey kasoo horjeesatey xukuumada Puntland,waxana dhor mar ay ku cel celisey Puntland inaysan marnaba ka qeybgaleen,waxana sharud ahaan ugu xirtay ka qayb galkaan shirka Puntland in ay ka jeedin doonan warbixin ay umadax banan yihiin.

Kulamo xalay ku dhex maray magaaladda Dubai Madaxweynaha Puntland iyo Ergayga Midowga Yurub u qaabilsan Arimaha Bariga Afrika ayaa waxaa laga soo sarey qoddobo Puntland lugu qanciyey inay shirkaa ka qeyb galaan.
Ergayga Midowga Yurub u qaabilsan Arimaha Bariga Afrika ayaa madaxweynaha Puntland Dr.Faroole ku wargaliyey inay si buuxda shirka uga soo qeyb galaan iyagoona shirka kasoo jeedin doonta warbixin ka hadlaysa Puntland iyo barnaamijkooda ka qeyb galy ee shirka.

Madaxweyne Cabdirixmaan Faroole ayaa aqbalay inay Puntland ka qeyb galayso shirka,isla markaana ay soo guddbin doonan barnaamijkooda ka qeyb gal ee shirka New Deal.

….””””Maadama ay Puntland shirka uga qeyb galayso iyaddoo si madax banan uga hadlaysa warbixin ku aadan shirka New Deal,waxan ku diideno maleh wana ka qeyb galayna…”””ayuu ka yiri madaxweyne Faroole shirka.

Si kastaba hadalkaan kasoo baxay Ergayga Midowga Yurub u qaabilsan Arrimaha Bariga Afrika ayaa ka dhigaya in madaxweyne Faroole uu ka mid noqddo hoggaamiyaasha shirka New Deal ee horumarinta Soomaaliya.

Wali lama shaacin waftiga uga qeyb galaya dowladda Puntland ee shirka ku wahelin doonta Maaxweyne Dr.Faroole balse waxaa lugu wadda inay shirka kala qeyb galaan madaxweynaha xubno wasiiro ah oo xiligaan ku waheliya safarka uu ku joogo Dubai.

Salaanmedia/Mogdisho