Siyaasiga Somaliland-Diidka Ah Ee Ismaaciil Buubaa Oo Naqdiyey Mawqifka Axmed Ismaacil Samatar Ee Qadiyada S/land, Sheegayna Inuu Isagu Ka Xogogaal San Yahay

buubaa

Sep 20,2013 Hargaysa(SM) Siyaasiga Ismaaciil Maxamed Hure Buubaa ayaa daboolka ka qaaday in shirkii ka dhacay Belguim-ka ee Somaliya lacagta loogu deeqay in aanay ahayn mid daboolaysa baahida Somalia taala, balse loo baahan yahay inta loogu yaboohay Afar laabkeed in wax loogu qabto dadka Somalia. Mr Buubaa ayaa intaa ku daray in dhawaan uu istiqaalad gayn doono Raysal Wasaaraha Somalia isla markaa siyaasiyiinta ka soo jeeda Somaliland ay danaynayaan xilkaas inay qabtaan, waxaanu tilmaamay in odayaasha la baxay madasha Wadatashigu ay yihiin nimankii Somaliland xoreeyey isla markaana wax dhiba aanay wadin haddii dhibaato loo gaystana lagala kulmi doono cawaqib xun.

Siyaasigan ku caan baxay Somaliland diidnimada oo hore wasiir uga soo noqday Somaliland xiligii Madaxwaynena uu ahaa Cabdiraxman Axmed Cali ayuu wargeyska Haatuf khadka Telefoonka kula xidhiidhay isaga oo ku sugan Magaalada Muqdisho, kaas oo sheegay in dhibaatada Somalia dhex taala caalamku wax saamayna anay ku yeelan doonin, balse cida dhibka isku haysaa ay tahay Soomaalida meel kasta ha joogtee. Ismaaciil Hure Buubaa oo aanu waydiinay sida uu u arko Hanaanka gaarka ah ee Shirkii Brussels lagaga dhawaaqay in Somaliland loola macaamilayo ayaa sheegay in taasi wax macno ah oo ay soo kordhinaysaa aanay jirin ay u taalo Soomaalida dhexdeeda sida ay bulshada calamku u caawin karaan inay la yimadaan oo aan carqalad la gelin in dhaqalaha calamka ka imanaya looga faa’iideeyo gobal kastaana waxaa uu xaq u leeyahay. Macaawinada Somalia loogu yaboohayna Somaliland waa ka mid xaqbaanay ku leedahay in la siiyo.

Ismaaciil Buubaa oo sidoo kale aanu waydiinay maadaama oo Axmed Ismaciil Samatar oo hore Somaliweyn u aaminsanaa uu ka tanaasulay, quusna uu ka Istaagay Siyaasada Somalia, waxa isaga Ismaaciil Buubaa ahaan ku dhajiyey Mawqifka Somaliweyn ayaa waxa uu ku jawaabay “Anigu waxaan ogsoonahay ama xogta aan hayo Axmed Ismaaciil ma oga, anigu ilaa halgankii SNM ama dhalashadii Somaliland cidi igama sheekaynayso waxa jirana waan ogahay markaa aniga iyo Axmed waan kala aragti dheernahay waxaan qabaa danta Somaliland waxay ku xidhan tahay midnimada umada Soomaaliyeed sidaasi bay wax ku noqon kartaa Somaliland waxna ugu qabsoomayaan caalamkuna soo dhawaynayaa aniguna guntaan ka eegayaa in midnimadu danta ugu wayni Somaliland ugu jirto”.

Buubaa Mar wax laga waydiiyey Dhibaatadii ay Somaliland kala kulantay Midnimadii Somalia iyo Xasuuqii loo gaystay shacabka Somaliland ayaa waxa uu yidhi “Waxa laga hadlayaa maaha ficiltan iyo hadaan reer hebel nahay maaha inaad ku gaadhid gooni isutaag baan rabaa waxaa uu ku maah mahay doqoni haddii lays dilo waxay moodaa in lagu kala tagay dadka Somaliyeedna maaha mid sidaa ku kala tegi kara, markaa waabaa xasuuq nalagu sameeyey micno ma samaynayso waxa loo baahan yahay in Soomaali hore u socoto oon dib wax loo eegin gocashadana layska daayo. Waanu u dhamayn aniga iyo Cabdiraxman Axmed Cali-ba waan isla qaadanay in danta Somaliland ay ku jirto oo aanay Somalia”.

Salaanmedia/Hargaysa

Source Haatuf