69-Xildhibaan oo 8-Xildhibaan Xalaal ka noqdeen Waa shay Cajiib ah.

MAQAAL

69-Xildhibaan oo 8-Xildhibaan Xalaal ka noqdeen Waa shay Cajiib ah.

 

XIL.Ibrahaim mahdi buubaa,XIL, c/raxmaan jaam xoog,Xil, Ibrahim jaamac cali Rayte,

Ugu horeyn waxaan salaamayaa saxaafada heeganka ah habeen iyo maalin ee dadkooda u adeega”ascw”.

Ka dib aan marka hore Hambalyeeyo Xildhibaanada xalaasha ah ee diidey in ay qaataan lacagta xaaraanta ah ee dadkii la qaadey lagu burbu rinaayo.laaluushak,xatooyada xollaha dadweynaha ee uu siilaanyo u badheedey waa wax taariikhda gali doona oon la isga hadheyn.

-XIL.Ibrahaim mahdi buubaa,XIL, c/raxmaan jaam xoog,Xil, Ibrahim jaamac cali Rayte, XIL, Saleeban cali koore, XIL, Baar saciid faarax,Xil Maxamed cumar xaashi, Xil Cali xaaji maxamed.

Dhamaanba waxaa sharaf iyo wanaag mudan xildhibaanada aan magacyadooda xusey ee kor ku qoran, oo maanta shaqadoodii if iyo aakhiraba sidaey aheyd uga soo baxey diideyna in ay nidaamka dadka maskiinta ah lagu dulmiyaayo ku raacaan siilaanyo iyo dhuuni raacyada uu lacagta xaaraanta ah ee maskiinta laga gurey ku laaluushey.

Waxaan leeyahey waad mahadsantahiin shaqadii aad ummada u heyseena waad gudateen ee ilaahey ha idinka abaal mariyo ifka iyo aakhiraba waxanan idiinku bushaareynayaa in aad noqondoontaa xildhibaano matala ummada reer somaliland oo dhan balse aan gobol iyo meel gaar ah matalin, sababtoo ah idinkaa noqdey, kuwo damiir iyo dadnimo ka muuqtato, waxaanad istaahishaan in dalka taladiisa la idiin dhiibo waayo? waxaan u baahaney qof dadka iyo dalka ilaaliya ee uma baahin afar jeeble jeebka buuxsada, barina inaga taga.

Waxaa guuldaro iyo ceeb maanta ay u soo hoyatey 59 Xildhibaanada ah ee xaaraanta iyo laaluushaka siistey ummadii soo dooratey waxaaney ku sifoobeen kuwo dhuuni qaatayaal ah oo maanta taariikhda u gashey, waxanan dadkii soo doortey kuwaasi leeyaheyb ninkaad soo doorteen dantiinii waxa uu ka door bidey in uu isagu jeebka buuxsado.

Waxa kale oo ceeb iyo guuldaro maanta ku cadaatey siilaanyo oo sharcigii dalka burburiyey , laaluushana ku badaley sharcigii dalka iyo dadkaba.

Waxaan ku soo koobayaa shacabka somaliland waa in aad taageertaan xildhibaanada xalaasha ah waana in aad isugu soo baxdaan mudaharaado waaweyn oo xukunkan faashilka ah ee siilaanyo kursiga laga tuuro.

Wq: Tahir hussein( xumandid)