AFHAYEENKA GUDIDA QABANQAABADA WADADA ISKU XIDHA TOGDHEER ILAA SANAAG, XILDHIBAN HAYBE A HALAC,

 


 

 

 

 

UJEEDO: 
BAAQ KU WAJAHAN  WADADA  CEERIGAABO OO AY SOO SAAREEN  QAARKA MIDA JAALIYADA DEGAN NORTH AMERICA GAAR AHAAN MIINESOTA   USA AYAA WAXAY KAGA HADLEEN ARIMO LOOGU URURIN DOONO WADADA UU MADAXWEYNE SIILAANYO DHAGAX DHIGAY MAALINIMADII SHALAY,
 
MAANSO KOOBAN OO WACYI GELIN AH WAA MURTIDII ( HAYBE A HALLAC )
 
Sanaag waa wadnihiiyoo
Suradii buuraleydeeniyo
Sabadeeni dalxiiskiyo
Suunaaridii fardaheeniyo
Sidhigii laasqoray weeyee
 
Saatirkaan kugu dhaarshee
Sooryadaad bixinayso
Sadaqaday gelaysaaye
Seeska maanta lajeexee
Mudada aan u samraynee
 
Sugayeen umadeenubaa
Madaxweyne SILAANYO
Salka buurta agteena
Saaka nooga iftiinsheye
Sanadbay ku dhamaane
 
Saadka aynu bilownee
Soodiroo Ku hagaaji
Iyadaan lasaluugune
Sedbursiinyona keentee
Xawaaladeena saraysiyo
SANDUUQII DAHABSHIIL
 
Kulan ay isugu yimaadeen qaarka mida jaaliyada reer somaliland ee degan waqooyiga amrica gaar ahaan Minnesota  Hadaba taniyo intii uu madaxweyne siilaanyo dhagaxdhigay wadada isku xidha togdheer iyo goboada bari waa sanaage, 
Waxa soo iftiimay niyadsami ama niyaayir ay isla dhexmarayaan dhamaan dadka degan gobolada bariga somaliland, dareenkaas oo ay ku muujinayeen, sida uu madaxweynuhu ugu go,an tahay inay helaan dadbadan oo gobolkada bariga somaliland deganaa, kuwaasi oo qaarkood aanay haysanin meel ay usoo maraan baabuurta adeega b ulshada gaarsiisa , amaba marka ay ku timaado xaalad caafimaad dhibaatada ka haysata wada xumada,
 
Hadaba xubnahaasi iyagoo ugu horayn ku hambalyaynaya Madaxweynaha dedaalkaas uu ugu jiro horumarka faraha badan ee uu qaarna qabtay qaarna ku hawlan yahay, ayaa dhanka kalena xubnahaasi waxay isla soo qaadeen inay arintaas taageeraan, dedaala geliyaan sidii ay bulshada baraarujin utusi lahaayeen, 
 
Hadaba anigoo ah afhayeenka xubnaha bilaabay dedaalkaas kana turjumaya aragtida aanu ka qabney dibudhiska wadooyinka dalka taageeraynana qorshaha xukuumadu uwado hawlahaas iyo kuwo kaleba, waxanu isla garanay inaanu kaqaybqaadano horumarka dalka maadaama aanu kamid nahay jaaliyadaha udhashay wadankaas degana wadanka debadiisa,
 
Iyadoo aanu ku shaqayn doono isxilqaamid waxanu gaadhsiinaynaa bulshaweynta degan waqooyiga america amaba qurbaha oo dhan inay arintaas ka qayb qaataan, iyadoo aynu uwada arkaynu dantii guud eemada, dhinaca kale waxanu tilmaamaynaa inay utahay qofkasta oo somaliyeed oo waxka geysan kara inuu ugu tabaruco wadadaas wixii awoodiisa ah waayo waxay utahay sadaqatu jaariya, 
 
Gaar ahaan waxan siifarayaa dhamaan dadyawga reer somaliland ee degan daklka dibediisa inay arimaha noo
caasa iska kaashadaan iyadoo aan loo eegaynin siyaasad iyo nidaamka axsaabta oo imika aad moodo inaynu khalad ka fahanay, sidaa daraadeed koley waxa aanu wadnaa waa gaadhsiin  uun laakiin waxanu balaadhin doonaa gudiyada ka hawl geli doona arimahaas gaarahaana waxan farayaa reer north America amaba reer Minnesota inay udiyaar garoobaan kana qaybqaataan, hawlaha dibu dhiska dalka,   wabilaahi towfiiq,
 
Afhayeenka gudida  isu xilqaantay dibu dhiska wadada isku xidha togdheer ilaa sanaag  ( Haybe A Hallac )

SOORYADAAD BIXISAANA//// SADAQADAY GELAYSAAYE,