Al-Shabaab oo la sheegay in ay ku hawlan yihiin sidii ay u heli lahaayeen Hub Kiimikada ah iyo Xog ku saabsan arintaasi oo shaaca laga qaaday.

alshabaab

Sida lagu sheegay war uu baahiyay Tv,ga CBS ee ku yaala dalka Maraykanka Sadex dhalinyaro Soomaali ah oo dacwad laxadhiidhta inay doonayeen inay ku biiraan ururka Al Qacida qeybta ka dagalanta wadanka Yemen ayaa sheegay xog ku saabsan in Xarakadda Al-Shabab ay maagantahay inay samaysato hub ay ku jiraan walxo kiimikaal ah.

Dhalinyaradaan oo ay maxkamadayntooda ka socoto magaalada New York ayaa sheegay in waaxda badhista iyo hormarinta Al-Shabab ay wadaan qorshe ku saabsan sidii ay Shababku ku heli lahaayeen ama ay ku sameysan lahaayeen hub ay ku jiraan walxo kiimikaal ah.

Warkaan waxaa lagu sheegay in saraakiil ka tirsan Al-Qacida ay dalka Yemen ka qaadeen qeyb ka mid ah walxaha kiimikaalka ah isla markaana ay geeyeen qeybo ka mid ah gudaha Soomaaliya oo ay Shababku maamuulaan.

Si cad looma sheegin halka uu Soomaaliya ka yaalo walxaas kiimikaalka ah hase ahaatee Tv,ga oo soo xiganaya Sadeexdaan dhalinyarada ah ayaa ku waramaya in Al-Shababku ay wadaan qorshe ay ku baadi goobayaan hubkaas.

Salaanmedia/Mogdisho