Al-Shabaab oo markii u horeysay ka hadashay culimadii Muqdisho ka soo saartay Fadwada.

alshabaab

Xarakada Al-Shabaab ayaa markii u horeysay ka hadashay Fatwadii lidka ku ahaa ee dhowaan magaalada Muqdisho ka soo saareen Culumaa’udiin Soomaaliyed oo shir muddo shan maalmood socday ku yeeshay.

Sheekh Maxamed Dulyadeyn oo ka mid ah saraakiisha sar sare ee Al-Shabaab ayaa sheegay in Fatwadaas ay soo saareen waxa uu ugu yeeray dad ay Gaalo soo adeegsatay.

“Fatwadaas waxaa soo saaray dad ay gaalo soo adeegsatay oo madasha la isugu keenay, ujeedkooda ahaa in saaxada la keeno dad cusub oo umada lagu qaldo”ayuu yiri Sheekh Maxamed Dulyadeyn oo ka hadlay salaadii jimcaha masaajid ku yaala degmada Baraawe.

Waxaa uu sheegay inay ka hortagayaan qorshe kasta oo loo soo maleego, ee la doonayo in lagula dagaalamo Mujaahidiinta.

Sidoo kale waxaa uu ka hadlay sarkaalkan xaalada Jubooyinka, isagoo sheegay in Ciidamada Kenya ay ka soo bixi la’yihiin xeryahooda.

“Ciidamada Kenyanka ee ku soo duulay waxay awoodi la’yihiin inay ka baxaan xeryahooda, waxay ku sugan yihiin Kismaayo, Afmadow, Dhoobley iyo Badhaadhe, iyo tuulooyinka kala ah Taabto, Qooqaani iyo Kulbiyo”ayuu yiri Sheekh Maxamed Duldayaden oo ka soo jeeda deegaanada Jubooyinka.

Waxaa uu sheegay in shacabka Jubooyinka iyo mujaahidiinta ay isla shaqeeyaan, isla markaana ay sii wadayaan dagaalka ka dhanka ah Ciidamada shisheeye sida uu yiri.

Hadalkan ka soo yeeray Sarkaalkan ayaa ku soo beegmaya, iyadoo Al-Shabaab ay weeraro qaraxyo ka geysatay todobaadkii hore magaalooyinka Muqdisho iyo Kismaayo.

Salaanmedia/Mogdisho