ALaylehe Rajadii laga qabay xisbiyada mucaaridka ayaa dhimatay!,

               ALaylehe Rajadii laga qabay xisbiyada mucaaridka ayaa dhimatay!,
 MAQAAL

 
tan iyo markii uu soo dhamaaday mooshinkii xukuumadu ku meel marinaysay xeerka ay u samaysatay inay ku urursato lacagtii ay doorashada danbe ay ku geli lahayd ee lagu magacaabay xeerka dibu dhiska wadooyinka ayaa waxaa umada u muuqatay inaanay xisbiyada mucaaridku awood u lahayn inay xukuumada iska hortaagaan wax kasta oo ah qayril dastuuri oo aan shaciyad ku fadhiyin oo ay baalmaanka horkeento!,
 
xeerkan waxa uu xisbiyada mucaaridka ku noqday shaybaadh ay xukuumadu dhiig kaga qaaday inatay awood ku leeyihiin baarlamaanka maadaama oo ay dhawaan shireen xisbiyada mucaaridku oo ay sheegeen inay ka midoobeen khilaafkii ragaadiyay dhex dooda oo meesha ka saaray kaalintii mucaaradnimo ee ay shaqadoodu ahayd siloohelo isku dheeli tir siyaasadeed si aan sharciga dalka cidgaari ugu tuman!,
 
labada xisbi mucaarid waa Wadani iyo UCID iyaga ayaa baarlamaanka kaga badan xisbiga muxaafidka ah ee Kulmiye marka ay is garabsadaan ama is  gaashaanbuuraystaan nasiibdaro se waxay noqdeen rag damiirkoodii qaranimo iyo kii diineedba iyo dhaartii ay mareen siistay duunyo yar! nin soori kaaqaaday waa nin seefi kaaqaaday!,
 
waxay xil maqaadayaasha baarlamaanka ee xisbiyada mucaaradka ahi muujiyeen inay meesha u joogaan dantooda shaqsiga ah ee aanay xisbi mucaarida iyo shacabkii soo doortay aanay meesha u joogin shaqadooduna tahay hadba kii afka u buuxiya! oo aanay qalbiga iyo maskaxada wax ka arag ee ay caloosha wax ka maqlaan!, markii ay ku jireen dooda xeerka waxay gaadhsiiyeen xiisadiisa meeshii ugu saraysay si uu qiimo ugu yeesho oo uu noqdo mid shilis oo ay ku gorgortamaan!,
 
waxayse nasiid daro iyo fadeexad aan la filayn ku dhacday gudoomiyaha xisbiga wadani oo ah gudoomiyaha baarlamaanka Somaliland oo isaga oo indhihiisu arkayaan xildhibaanadii la xisbiga ahaa u codeeyeen xeerkii uu ka soo horjeeday isaga iyo xisbigiisu oo maalin ka hor ay wasaarada arimaha gudaha la hortageen mudaharaad ka dhan ah xeerkaas inuu dalka ka dhaqan galo oo weliba wasaaradu sicad u diiday inay soo qaban qaabiyaan wax mudaharaada oo lagaga soo hor jeedo xeerkan kadibna awoodi kari waayay intuu shir jaraa,id qabto uu ku cadeeyo mowqifkiisa siyaasadeed ee ku aadan xeerkan iyo guud ahaan siyaasada ka danbaysa ee la rabo in lagu gaadho!,
xil maqaadayaashaas ka codaynayay isaga oo arkayana waxay u muujiyeen inaanu agtooda wax qiimo ah ka lahayn xitaa way ka xishoon waayeen damiirxumidooda,
 
somalidu waxay tidhaah meel ama waa laga maqnaadaa ama waa laga muuqdaa! Gudoomiye C/raxamaan ciro waxaa la gudboon inuu iska daayo laba canlaynta iyo inuu laba shinbirood hal dhagax ku wada dilo, waa inuu u ban baxaa mucaad dhab ah oo xukunka iyo kursiga dalka ugu sareeya raadsada oo uu baneeyaa xilka baarlamaanka ama waa inuu baneeyaa xilka gudoomiyaha xisbiga Wadani oo raga wax dhacsan kara ee waayay meel ay siyaasada ka ciyaaraan siiyaa jaaniska, lakiin u suuro gelimayso inuu laba qalbi halmar wada yeesho qalbi mucaarid iyo mid muxaafid!,
 
waxaan kusoo xidhayaa qormadan waar meesha ama kamuuqo ama raga wax soo dhacsan kara sii jaanis meeshaada la jiifsaye!
 
 
aadan axmed nuur