Alshabaab Oo Ku Sheegtay Dad kii Ku Dhintay Weeraradii Ay Shalay Muqdisho Ka Fuliyeen Jaajuusiin U Shaqeeya Sirdoonka Ingiriiska

Sep 8,2013 Muqdisho(SM) Al-shabaab ayaa sheegtay masuuliyadda weeraradii shalay ka dhacay magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya,waxayna tilmaameen iney qaraxyadaas ku bartilmaameedsadeen waxa ay ku sheegeen Sirdoonka wadamada reer galbeedka gaar ahaan dalka Ingiriiska.
Afhayeenka dhanka hawlgallada Al-shabaab C/casiis Abu Muscab oo la hadlayey warbaahinta ku hadasha afkooda ayaa shaaca ka qaaday iney iyagu masuul ka ahaayeen weeraradii qaraxyada ahaa ee lagu qaaday Maqaayadda Village ee magaalada Muqdisho,wuxuuna daboolka ka qaaday iney weeraradaas la beegsadeen waxa uu ku tilmaamay Jawaasiis.
Abu Muscab ayaa sheegay in Maqaayadda Village ay tahay xarun ay ku kulmaan saraakiisha sirdoonka Ingiriiska,wuxuuna tibaaxay iney tahay meel ka duwan goobaha kale ee magaalada,afhayeenka Al-shabaab ayaa sheegay in Maqaayadaasi ay tahay halka laga soo abaabulo dhibaatooyinka ummadda loo maleegayo sida uu hadalka u dhigay.
Shacabkii aan waxba galabsan ee ku baaba’ay goobtaas ayuu ku sheegay iney dhammaantood ahaayeen Cadowga Ilaahey,isla markaane ay u adeegayeen cadowga Ummadda,wuxuuna si gaara u xusay in dadka geeriyooday iyo mulkiilayaasha Maqaayadduba iney yihiin saraakiil u shaqeeya hay’adda Sirdoonka dalka Ingiriiksma ee MI5 sida uu sheegay.
Abu Muscab ayaa tilmaamay iney og yihiin in Maqaayadaasi ay tahay goobta ay ku kulmaan waxa uu ku sheegay Jawaasiista isla markaane ay ku kala warqaataan,wuxuuna xusay iney ku guuleysteen ujeedka weeraradii shalay ka dhacay magaalada Muqdisho.
Alshabaab ayaa looga bartay iney ku faanaan gumaadka shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan bulshada ku dhaqan magaalada Muqdisho ee xarunta dalka,dowladda federaalka Soomaaliya oo loo igmaday iney shacabka difaacdo isla markaane ay ka hortagto falalka nuucan ah ayaa waxqabadkeedii waxa uu kusoo koobmay iney warbaahinta ka cambaareyso oo kaliya.

Salaanmedia/Muqdisho Office