Baaq ku socda Madaxweynaha Maamul Goboleedka Puntland iyo golayashiisa dowlada, Siyaasiyiinta iyo Isimada.

BAAQ

Ku: Madaxweynaha Dawlad Goboleedka Puntland iyo golayashiisa dowlada. 
Ku; Isimada,Nabadoonada iyo Waxgaradka puntland. 
Ku; Culumada iyo Ganacsatada Puntland. 
Ku; Dhammaan qaybaha bulshada ee ku sugan gudaha iyo Jaaliyadaha dibada ee kasoo jeeda Puntland.

Anigoo kamid ahaa musharaxiinta u tartamaysa xubnaha cusub ee barlamanka puntland magacayguna yahay cumar cabdulahi cali barre. kadib markaan shirar wadatashi ah la yeeshay waxgaradka iyo bulshada qaybeeda kala duwan ee ku sugan daafaha caalamka, shirarkaas oo aan kaga hadlayay doorashooyinka soo socda ee puntland iyo midnimada dhamaan dadwaynaha reer puntland waxaan soo saaray baaqa soo socda.

1. in si degdeg ah loo dhiso gudiga doorashada oo dhamaan matalaya gobolada puntland, gudigaas oo ansixinaya barlamanka cusub iyo xalinta dhamaan khilaafyada kajira gobolada puntland, waxaan ugu baaqayaa xukumada, odayasha, iyo mushariinta inay si dagdag ah usoo dhisaan gudigaan.

2.dadka gudigaan kamid noqonaya waa inay yihiin kuwa lagu soo xulay aqoon iyo daacadnimo danbina aysan wadanka ka galin una hufan shaqada loo igmaday.

3.dhamaan isimada,nabadoonada,waxgaradka,qaybaha bulshada ee talada wax kuleh ka codsanayaa in barlamaanka cusub usoo xulaan aqoon.karti,khibrad,daacadnimo, kuwas oo kasoo bixi kara xilka culus ee loo igmaday.
4.barlamaanka cusub oo ay dhici karto inaan kamid noqdo waxaan ka codsanayaa inay umadda usoo xulaan masuulkii dalka iyo dadka u baahnaayeen ayagoon aan fiirin lacag,qabiil,iyo sxb midna kuna soo xulaan shuruudaha laga rabo hogaamiyaha wanagsan.

5.dhamaan musharaxiinta tartamaysa waxaan usoo jeedinayaa inay ka midoobaan maslaxada guud ee dalka, kana qayb qaataan xasiloonida iyo nabadgalyada, ayna ka fogaadaan musuq maasuq iyo dib u dhac ku yimaada puntland.

6.waxaan usoo jeedinayaa dawlada,musharaxiinta iyo dhamaan shacabka puntland inay xilwayn iska saaraan sugida amniga puntland gaar ahaan mesha ay doorashada ka dhacayso ee magalada madaxda laba jibaarna laga dhigo ciidamada ilaalada ayadoo dhici karto inay noqoto bartilmaameed .

7.isimada waxaan ka codsanayaa inay fiiro gaar ah u yeeshaan xukumada hada jirta ayadoo dhici karto inay sameeyaan wax idaba marin iyo ku takri falid hantidii dalka ee umadda kawada dhaxaysa.

8.xukumada waxaan uga digayaa in dhaqaalaha dalka ee dadka ka wada dhexeeya inaanay u isticmaalin dano gaar ah oo doorshada la xiriira,dhamaan Madaxwynaha DGPL iyo K/xigeenkiisa, isimida, Nabadoonada, ganacsatada, Bulshada rayidka ah iyo aqoonyahanada waxaan ka codsanayaa in maamulka dhaqaalaha dalka il gaar ah lagu fiiriyo xiliga doorashada lagu jiro lana helo qaab dhaqaalahaas isticmaalkiisu ku koobnaan karo oo keliya danaha guud ee dalka.

9.dhamaan jaaliyadaha dibada waxaan ugu digayaa inay ku milmaan siyaasada gudaha kajirta ayadoo dhici karta inay u kala saftaan musharaxiinta tartamaysa waxana imaan kara isku dhac iyo khilaaf siyaasadeed waxana la idinka rabaa inaad ku midowdaan ka shaqaynta danta guud ee puntland oo marwalba isku si u tageertaan hadba shaqsiga noqda hogaamiyaha dalka iyo dadka, waxaan kale oo idinka codsanaya jaliyadiina dibadda inay qayb lixaad ka qaadataan dib u dhiska dalka kasocda mid guud iyo mid gaaraba.

10.dhamaan shacabka puntland waxaan ka codsanayaa inay muujiyaan midnimo isla markaasna waxaan ilaahay ka rajaynayaa inuu si khayr qabta inoo gaarsiiyo barwaaqo iyo bash bash insha allah.

mahadsanidiid

diplomacy sare,
ambassador cumar cabdulaahi cali barre
Email, ambassadoromar@gmail.com