Beesha Isaxaaq Care Oo Maanta Shir Guud Ku Doortay Bedelka Suldaankii Dhawaan Daadku Qaaday (Suldaan Xasan Warsame Shire)

image

Axad,Sept 8, 2013 (SM)-Beesha Isaxaaq Care ayaa maanta shir guud oo ay ku yeelatay magaalada Hargeysa waxay kaga wada hadleen cidii buuxin lahayd Booskii Suldaankii ugu weynaa Salaadiinta Beesha Suldaan Xasan Warsame Shire oo dhawaan Daadku ku qaaday Dooxa Dacar Budhuq isagoo usii gurmanaaya shaqaaqadii Ku dhex martay Deegaanka Waraabeeye Beelaha Walaaha ah.

Shirkan maanta oo ahaa mid ay u dhamaayeen dhamaan sadexda ardaa ee Beeshan Isaxaaq Care ka kooban tahay Cuqaashoodu,ayaa ugu horeyntii waxa loogu duceeyey Marxuumkii Geeriyooday inuu ilaahay naxariistii Jano ka waraabiyo. Sidoo kale ayaa waxa laysku afgartay in booska banaanaaday uu buuxiyo Maxamed Suldaan Xasan Warsame oo ah Wiilkii Curad ee Marxuunka iyadoo gabagabadiina waxa madasha loogaga Duceeyey in ilaahay u fududeeyo Suldaankan Cusub ee Suldaan Maxamed Suldaan Xasan Warsame Shire ,Xilkaa culus ee loo doortay

Dhinaca Kale ayaa waxa madasha la iskula qaatay in Suldaankan cusub (Suldaan Maxamed Suldaan Xasan) La Caleemo Saaro Maalinta Khamiista ee bishu tahay 11 Septenber 2013 iyadoo lagu Caleema saari doono Hotelka Kaah ee Magaalada Hargeysa.

 

Salaanmedia/Hargaysa