BREAKING NEWS: Ethiopian Airlines oo uu Dirtay Basas Rakaab ku Xaniban Somaliland

news
Dad sugaayey in ay Raacan diyaaradii ka baaqatay inay soofadhiisato garoonka  diyaaradaha Egal  Aiport ee Hargaysa  ee  Ethiopian Airlines ayaa  baabur lagaga qaaday saaka ( khamiis)  Hargeysa loona raray Magaaladda Jig-jiga. Baaqasha  duulimaadka  diyaaradda Ethiopian Airlines ay ka baaqatay in ay so fadiisato garoonka  Hargaysa ayaa lagu sababeeyey in  uu yahay dhinaca  nabadgelyada iyo garoonka oo aan la dhamaystirin
Safar qaadan doona seddex saacadood ayaa socoto lagu qiyaasay ilaa  450 qof oo ku xayiraa Somaliland  ayaa Subax nimaddii Khamiista uga amba baxay dhinaca Jigjiga halkaas oo ay ku sugaysayso diyaarad ay leedahay shirkadda Ethiopian Airlines.Socotadda  kale eek u xaniban  Somaliland ee tigidhadda ka goostay shirkadda diyaradaha ee Ethiopian Airlines  ayaa la filayaa in  ay Hargaysa ka amba baxaan usbuucan.  Waxaay maraysaa maalintii tobnaad intii ay dadkaas rakaabka ahi ku xanibnaayeen Hargaysa, ilaa haddana ma cadda in ay dib u bilaabi doonto  duulitaankeeda  sidii ay xurguftu uga dhexdhacday dhirkadda Ethiopian Airlines  iyo  maamulka Hargaysa.

Inkasta oo ay Wasaaradda  Duulista iyo Hawaddu ee Somaliland Sheegtay in dib u dhis lagu sameeyey  Egal International airport  haddana illa hadda lama hayo diyaar ogolaadda in ay duulimaayaddeedu ku soo noqdaan garoonka.Image

Image