Cadaani oo Baro Dheeraday Inacabdiqadir Se Tolkii Isna Ma Siilanyo Ayay u Waqfeen

MAQAAL

Tan iyo intii madaxwayne Siilanyo bilaabay safarkii uu dalka ku maray ee dhagxaanta badan ku soo dhigay  dadkii loogu soo  ururshay madaxtaabashada  faagare iyo goobkasta  kala hadlayay hadlii ahaa yur iyo yac iyo waxaa doontaan ku dhaha dadka mucaaradka igu ah weli  goodi dheeradna weli uga dhigay  inuu ku goodiyo in uu awood dawladeed u adeegsan doono.

 

Waxaa intaa waxii  ka danbeeyay iyo soo guryo noqoshadoodii   isa soo taraysay in dadkii wax badan dib uga muuqdeen  muhimada ku jirtay  socdkiisi haday  tahay iyo xeerarkan ku lamaan ee la doonayo in lagu qariyo musuqmaasuqa eexaysan ee xukuumadan ka jirto
 Taas oo ay kaalin muhiima ku leeyihin soo dibad baxeeda axsaabta mucaaradka ah , golayaasha  madaxbanaan iyo saxaafada oo weli  iyadu si gaar ah ugu jeeni qaaran ilaalinta xuquuquda dadka iyo in ay muujiso shucuurtooda xorta ah taas oo ah mid dawlada maanta jirta mid ay kala dagaalamayso 

 

Hadaba markii madaxtooyda Siilanyo samaysay daraasad ay ku ogaatay inuu hirgeli wayaaay   qorshahii hore ama wajigii hore  ee lagula dagaalamayay Golaha wadatashiga  ee ahaa waji ku macaashkii dadka la soo tubayay shaashadaha layska arko (TV) iyaga oo ku  siinayay  laalush in ay cay iyo aflagado u gaystaan xubnahaa si dadka iyo rayicaalmka loo tuso sawir kale oo khaldan  in aanu sidaa la rabay ku hirgelin  ee ay weli keentay in ka goodigii  abuurmaanba maanta  in dadkii laga helo  talo ku midaysan  hal dalad  oo mucaaradadnimo dhisan ah ooy ku tilmaamaayan daldaloodada iyo musaqa uu  ku jirto siilanyo.

 

Waxaad cad  wajiga labaad ee Siilanyo  maanta isu idmay in ay uga jawaab celiyaan eedaymahaa iyo musuqaa horyaal dawladiisa in ay noqdeedeen Cukuse iyo Cadaani ( Weli anigu aan qabo inaan aanu Siilanyo diran u jawaabistooda)   waayo haldoor dhaama Cadaani wuu heli lahaa oo aqoon iyo karti lagu yaqaan leh .

 

Waxa  dadku aad isku waydiinayaan miisanka dhalan rog ee  jawaabta Cadaani baxiyaa  ku yeelan karto golaha wadatashiga iyo axsaabta mucaaradka aloosan

 

 Dadka badankiisa iyo qof kasta oo wax odorsa waa  arkaa in aanay ku  lahayn wax samayn dhalin gedis ah ay kaga joogsanayaan  ay gudbinyaan eedaymaha

 

Tanina waxay cadaynaysa in in aanay   ka hayn jawaab cidii dhigooda ahayd ee  mansab iyo xil muhiim dawladanimo ka haysa ee cabri kari lahayd shucuurta dhiiraanaan ee dawladeed waana taa  keenaysaa in ilaa dhalintii waxaaha iyo laamaha gobolda weli tebinyaan eedahoodii iyaga oo maalinkasta fadhiya tvyda

 

Hadaba waxaa iswaydiin leh  hadii dadku sidaa u ogyahay  u jawaabta  Cadaani in aanay wax dhalan rog iyo dareen samayn midna ku lahyn  isagu tolow sidee isku haystaa mase  is ogyahay  in dhawaaqisu iyo  codkiisu aanu dhaafayn halkaa uu ka yidhi.

 Mise isagaaba ka baro   xawli  dheer oo waxa uu marayaa xaalado la mid ah kuwuu  uu soo maray ina cabdiqadir ee anigu xisabigan Kulmiye  iyo Siilanyo ayaan ehel la ahay halka isagu  maanta ka mudhay  ee yidhi aqoon gaabni  Siilanyo  waxa uuka  matalaa cadaalada Amiral Mumininkii .

 

Waxaa dhab ah in Cadaani aanu  Amiiral Muminiinkii (Radilayhu canhu) ka  war hayn, Cadaani iyo umada reer Somalilanda isku war hayn ,Cadaani  iyo Ina cabdiqadirna maanta isku warhayn .

 

Se Tolow sida cid ka soo reebtaa ma ku haday tolkii iyo umada oo  toobadkeen tidhaah oo hiigso kuwii kaa horeeyay

 

 

Faysal Xaaji  Cali ahmed