Cadaynta Musuqa Yaa laga rabaa?

Maxamed

ASCW

saxaafadda qaaliga aad ayaan idiin salaamayaa. Fadlan ii soo daabaca.

 

 

Waxa socda oo aad iyo aad isu soo taraya cabasho ay shacabka reer Somaliland ka qabaan in wadanka uu ka jiro musuq maasuq xad dhaafay oo lagu tuhunsan yahay koox ka tirsan dawladda oo si gaara isugu xidhani in ay masuul ka tahay.

Si aada ayay shacabku dareenkooda ku wajahan musuq maasuqa u soo bandhigee. Madaxweynuhu kama jawaabin dhaliisha ku saabsan musuqa  ee sababtahy dhacdooyinkii maalmahan laga hadlayay.

Waxa kolba meel ka hadlaya wasiiro laga yaabo in aanay iyaga shaqadooduba ahayn arimaha buuqu iyo cabashadu ka taagantahay ee laga yaabo in uun masuul qoladooda ah oo mucaarid ah la yidhi u jawaab, taasina ina dhiqimayso, meelna ina gaadh siin mayso, Mustaqbalka umaduna sidaa khatar ayuu ku gelayaa.

Wasiiradan wax aan shaqadooda ahayn ka jawaabaya laftoodu wax dadka qanciya kuma jawaabayaane, hadalkoodu waa iska hadidaad iyo ciidan baanu haysanaa iyo cidii wax dhaliisha cadayn ayaa laga rabaa iyo wax la mid ah.

Waxaanad moodaa in shacabkuna leeyahay dawladu ha ka jawaabto musuqan laga hadlayo dawladuna ay leedahay qofkii waxaas ka hadlaa waa in uu cadeeyaa, oo woxoogaa awood sheegasho iyo caga juglayn ah ayaa ku jirta.

Waxaan rabaa in aan wax yar ka tilmaamo horta yaa cadayn laga rabaa, ma shacabkan iyo suxufiyiintan lagu hadidayo ama cadayn keen ama aamusa mise dawlada ayaa cadayan laga rabaa?

Waa wax iska cad marka laga hadlayo good governance, transparency and anti-corruption in cadaynta cida laga rabaa ay tahay dawlada iyo masuuliyiintii lagu aaminay hantida qaranka, shirkadihii qandaraaska la siiyay iyo wasaaradihii ku shaqada lahaa.
Waa in la soo bandhigaa cadaymo lagu qanci karo, shirkadaha qandaraaska la siinayaa waa in ay yihiin shirkado xil qaadi kara oo caalamka ka diiwaan gashan oo leh taariikh-waxqabad, igshooran ku jira oo hadii dhibi dhacdo lala xisaabtami karo, isla markaana sixi kara oo leh awood dhaqaale iyo mid maamul oo ay ku sixi karaan wixii ay khaldeen.
Heshiiska lala gelayaa waa in uu cad-yahay oo uu sheegayaa waxa laga rabo, Tusaale ahaan xaga Airport-ka waa in heshiisku qorayaa dhererka runway-ga laga rabo in shirkadu dhisto, adayga la rabo, miisaanka diyaaradaha larabo in ay garoonka isticmaalaan, isla markaana waa in uu jiraa Guarantee ay shirkadu bixiso oo weliba sanado ah oo hadii shaqadeeda wax ka soo noqdaan ay balan qaado in ay saxayso. Heshiisku waa in uu qorayaa xataa sida lacagta shirkada loo siinayo iyo inta goor ee la kala siinayo iyo hadii lacagta qaar ka mida dib loogu dhigayo marka shaqada la kala tijaabsado ee wax waliba OK noqdaan.
Hadii waxa laga shakisan yahay uu yahay in shirkada qandaraaska si hoose oo musuq ku jiro loo siiyay oo ay ahayd shirkad hoosta lagu watay, waxa dawlada laga rabaa in ay soo bandhigto; sidii loo shaaciyay u-tartanka qandaraaska iyo meelihii lagu qoray, yaa soo dalbaday, shuruudaha lagu kala saaray shirkadihii u soo tartamay qandaraaska, muxuu ahaa procedure-ka la raacay si loo kala saaro shirkadaha soo dalbaday qandaraaska, maxay ku kala fiicnaayeen ee lagu kala doortay shirkadaha, sida xaga taariikhdooda wax qabad iyo khibradooda. Gudiga go’aanka gaadhay ma tahay gudi xaq u leh in ay qandaraas noocan ah bixiso. Xubnehee ayaa fadhiyay shirka go’aanka lagu gaadhay ee shirkadan qandaraaska lagu siiyay. Miyuu jiraa xidhiidh ka dhaxayn kara shirkada qandaraaska la siiyay iyo xubnaha go’aanka gaadhay qaar ka mida IWM.

Hadaba marka cadaymaha la rabaa kuwaa iyo kuwo la mid ah yihiin, waa ceeb in wasiiradu shacabka yidhaahaan cadeeya waxa aad sheegaysaan. Cadayntii xafiisyada dawlada ayay taalaa, ma shacab kaa la waydiinayaa?
Shacabku waxay ogyihiin uun wixii indhohoodu arkeen ee debedda u soo baxay, sida Diyaaradihii waa weynaa oo diiday garoonkii oo leh diyaaradayada kuma aamini karno, why? Dawlada ayaa laga rabaa cadaynta meesha lacagtii martay iyo sida garoonka loo dhisay inay kula xisaabtanto shirkadii ay qandaraaska siisay, maaha in diyaaradda daalac loo raaco.
Doodu waa in ay u dhaxaysaa aqoonyahanadii shirkadda airport-ka dhistay iyo aqoonyahanada ay isticmaashay Ethiopian Airline ee sheegay in aan garoonku diyaarad weyn qaadi Karin. Arintu waa arin farsamo iyo takhasus, maxay wasiirada dawladu ugu dhex cararayaan sidii in ay wax dem-be-besayaan oo kale.

Waxa aan aad isu waydiinayaa waxa dawlada Somaliland ula safan wayday shirkadda diyaarada ee tidhi karoonka si fiican looma dhisin ee ay u qabsan waayeen shirkadii garoonka dhistay, ilayn cadayn ayaabay haystaan in diyaaradi tidhi garoonku diyaarad weyn kuma haboona.
Halkii shirkadii garoonka dhistay masuuliyadeeda iyo shaqadeeda difaaci lahayd maxay inaga wasiiradeenu u difaacayaan ee ilaa Addis ababa ina geynaya. Miyaanay u egaanayn in shirkada wax dhistayba ay  ahayd mid xukuumadda ka tirsan ama meesha khalad ku jiro ay dawladu wax ka ogtahay.

Hadaan isaga soo noqdo arinta ah yaa cadaynta laga rabaa, waxaynu wada xasuusanahay in waxa umada u muuqdaa uu yahay tuhun iyo tilaamo fashilaadeed oo soo baxay. Dawladaa laga rabaa in ay is baraxdo, iyadaa cadaymihii haysa. Waxa la weriyay in xiligii Cumaar Binu Khadaab Amiirka muslimiinta ahaa in xoolo uu dhar ku jiro la qaybsaday oo dharkii qofkastaba hal go’ la siiyay. Cumar Alle ha ka raali ahaadee oo nin lafweyn oo dheer ahaa ayaa go’iisii ku filaan waayay ka dibna Inankiisii C/laahi ayaa ugu daray kiisii. Saxaabadii ayaa aragtay Cumar oo laba go’ isku toshay markaasaa shaki iyo tuhun soo baxay in cumar laba go’ qaatay. Cumar muu odhan igu cadeeya e markii uu xantii maqlay ayuu isagu arintii ka hadlay oo cadeeyay meesha uu go’a labaad ka keenay. Culimadu waxay yidhaaheen qofka meel tuhun keeni karta istaaga, ama wax tuhun keeni kara dhexgala, isagaa laga rabaa inuu is barraxo oo soo bandhigo sida wax yihiin.

Marka xil iyo xoolo laguu dhiibay lagugula xisaabtamayana umaba baahna in lagu tuhmee waa in toos laguula xisaabtami karaa oo umadu dalban kartaa sida shaqada Airportka(tusaale ahaan) loo maamulay bilow ilaa dhamaad.

Waxaan ku talinayaa:

 

  1. In Axsaabta Mucaaradku si wada jir ah u dalbadaan warbixin dhamaystiran oo ku saabsan dhamaan arimahan khilaafka badani ka taaganyahay si looga baxo Tuhunka oo arimahan guntooda loo gaadho horena loogu socdo.
  2. In Dawladu warbixin dhamaystiran ka dalbato shirkadii garoonka dhistay iyo in ay shirkadu ka jawaabto eedaha ay Ethiopian Airline garoonka u soo jeedisay. Maaha in dawladu difaacdo.
  3. Shirkadu ha isticmaasho aqoonyahanadeeda oo ha difaacdo shaqadeeda.
  4. Wasiirada waxa ceeb ugu filan inay u egyihiin in ay dem-be-besayaan Somaliland oo dulman oo loo doodaayo oo la leeyahay garoonka si fiican looguma dhisin. shirkada Ethiopian airline thank you ha ku yidhaahaan hana u fududeeyaan inay isticmaasho garoonka Berbera si loo qaado rakaabka weli cadilan.

 

 

Alaa mahadleh

Mohamed A. Issa

Gudiga Arimaha debeda ee Xisbiga WADDANI