Cali Khaliif oo ka mid ahaa dadkii ka bad baaday weerarkii Westgate

Cali Khalif Galaydh
Cali Khalif Galaydh

Dr. Cali Khaliif Galeyr oo ka mid ah Mudanayaasha Baarlamaanka ayaa ka mid ahaa dadkii ka bad baaday weerarkee Sabtidii lagu qaaday Xarunta Ganacsiga Westgate ee magaalada Nairobi.
Dr. Cali Khaliif Galeyr ayaa wareysi uu siiyay laanta afka Soomaaliga ee BBC-da waxaa uu sheegay inuu ka mid ahaa dadkii meesha ku jiray ee ka bad baaday weerarkaas, markii dabley hubeysan oo soo galay dhismaha ay bilaabeen toogasho aan kala sooc laheyn.

“Waxaa fadhinay anagoo saddex ah meel Cafe laga cabo oo gudaha Westgate maqaayad ku taala, maqaayadaas waa meel aad loo tago, goor ay 12-duhurnimo ku dhow dahay ayaa rasaas iyo bam gacmeed bilowday”ayuu yiri Cali Khaliif Galeyr.

Dr. Cali Khaliif ayaa sheegay in meesha ay wada fadhiyeen isaga iyo Xildhibaan Burci Maxamed Xamza iyo nin uu magaciisa ku sheegay Fred oo ka tirsan qeybta siyaasada AMISOM oo dhalashadiisa tahay dalka Brundi, isagoo tilmaamay in markii rasaasta bilaabatay la kala cararay.

“Anaga kedis ayay nagu aheyd, markii dadkii ila socday wey boodeen, waa baxeen, nafi orod ayay kugu aamintaa, kuraas iyo miisaskii ayaa hoos galnay, cabaar halkaas marka ku jirnay oo rasaastii yaraatay meel loo baxo aanay jirin ayaa meel barxad oo haran harada dad iyana ku gambanayay ayaa meeshaas galay”ayuu yiri Cali Khaliif oo intaa ku daray inuu ka mid ahaa dadkii Sabtidii ka bad baaday weerarkaas.

Weerarkaas ayaa waxaa ku dhintay wiil Soomaali oo lagu magacaabayay Yaasiin Xirsi, kaasoo shalay lagu aasay Qabuuraha Langata ee magaalada Nairobi, xaaska Marxuum Yaasiin ayaa la socotay xilliga la tooganayay seygeeda.

Suuqa Ganacsi ee Westgate Mall oo ay ku yaaleen maqaayado ayaa waxaa fariisan jiray Siyaasiyiinta Soomaaliya, waxaana suuqa ganacsi ka dukaameysta dadka ajnabiga iyo dadka qaniga ee Kenyatiga ah.

Ilaa todobaatan ruux ayaa ku dhintay weerarkaas oo ahaa kii ugu xumaa ee ka dhaca Kenya tan iyo sanadkii 1998-dii, xilligaasoo qaraxyo ka dhaceen Safaarada Mareykanka ee magaalada Nairobi, halkaasoo ay ku dhinteen boqolaal qof.

Salaanmedia/Mogdisho