Casho sharaf lagu sagootiyay Gudoomiyihii hore ee SOLJA oo galbeedka London ka dhacday‏

London(SM)- Waxa xalay galbeedka London ka dhacay casho sharaf lahu sii  sagootiyay gudoomiyhii SOLJA oo ku sii jeeda dalkii.

 

Casho sharaftan oo ay ka soo qayb galeen dhalinyarada xaafada Shepher’s Bush waxa Mustafe Cabdi Ciise”Shiine halkaasi laaga jeediyay hadalo isugu jira dardaaran iyo doco, waxana ugu horeyn goobta ka hadlay gudoomiyaha ururka SSUK Cabdale Saalim oo ku dheeraaday in dalkeenu uu u baahan yahay dad wadaniyiin ah iyo midnimo mujtamiciisa la dhaxdhigo.

20130912_224555

Gudoomiye Cabdale waxa uu intaa ku daray intii uu yiqiin Mustafe Shiine oo muddo gaaban ahayd uu arkay nin dhalinyaro ah oo siyaasiya wax badana qaban kara,  intii horena uu  warbaahinta kala socday, , iyadoouu hadba mawduuc ka hadlaayo, sidaa daraadeedna uu u arko nin wax bedeli kara uguna duceynaaya in kulankooda danbe ay is arki donaan iyadoo uu muuqdo.

 

Waxa sidoo ksle ka hadlay madasha rag kale oo ay ka mid yihiin xuseen Laangadhe Libaaxo, Axmed Cabdi Carab, Maxamuudu Cabdi Cabdale, Mustafe Cali Madoobe, Genaraal Aden, Maxamed iyo gudoomiye xigeenka urur siyaasadeedka Wadani ee UK Mr. Keynadiid.

 

Keynafiid  waxa isagoo sii sagootinaya Shiine uu ugu duceeyay safar kheyr qaba waxana uu kula dardaarmay in aanu Mustafe Dhhetaysan barkinta oo uu u shaqeeyo dalka, mar haddii hawlihii uu Ingiriiska u joogay ay u dhsmaadeen.

 

Mustafe Abdi Isse (Shiine) oo hafal kooban ka jeediyay munaasibada ayaa sheegay in uu aad uga mahadcelinaayo Asxaabta Sharafta leh ee ay qaarkood hadda is barteen qaarna horey isugu yaqaaneen, waxana uu intaa ku daray in dhamaan uu dalku inoo wada baahan yahay ninba meel ha kaga beegmee.

 

Shiine waxa uu balan qaaday inaanu seexan doonin ee uu intii tabartiisa ah mid gudo iyo mid dabadeedba cadowga ka jiri foono in uu dalka wax yeeleeuo, waxana uu intaa ku daray inuu ka shaqayn doono  sidii bulshadeena loo bari lahaa in la kala garto wixii waxyeelaya qaranimadeena iyo wixii toosin ah, isagoo taa ka sii hadlayana waxa uu yidhi (Tusaale waxa inoogu filan bal ninka Inanta uu dhalay laga soo doonay ee halkii waan idin siiyay laga filaayay xididkii uga sheekeeyay ceebihii ay lahayd ka warama , taasi miyaanu ka dhignayn ninka wixii aynu ku faanaynay ee nabadgelyo ah waxba kama jiraan ku sheegay ee caalamka u bandhigaaya in aanay Nabadgelyo dalkeena ka jirin).

 20130912_224643