Daawo Muuqaaladii ugu horeeyey ee laga soo qaaday dhacdadii Westgate Nairobi

Muuqaaladii ugu horeeyey ee Soomaalidii weerartrey xarunta ganacsiga ee Westgate ee magaalada Nairobi ayaa waxaa la sheegay in la soo bandhigay iyadoona ay ka muuqatey sida xad dhaafka ah ee ay u hubaysanyihiin.

 

Daawo Muuqaal ahaan Ragii weeraray Xarunta Westgate

Soomaalidaan weerartey xarunta laga dukaameysto ee Westgate ee magaalada Nairobi ayaa muuqaalkooda waxaa ka muuqday inay ahaayeen kuwo si xoogan u hubeysan islamarkaana ay sidoo kale ka muuqatey kuwo u soo diyaargaroobay si heer sare, Soomaalida oo la sheegay inay ka mid ahaayeen maleeshiyaadka kooxda Alshabaab ayaa waxaa tiradooda lagu sheegay inay ahaayeen 10 ilaa iyo 15 qofood iyadoona ay maleeshiyaadkaas ay iska caabin xoogan ay kala horyimaadeen ciidamo kala duwan oo ka kala socday dalalka aduunka arintaas oo keentay inay qaadato mudo dhowr maalmood ah sidii looga guuleysan lahaa maleeshiyaadka kooxda Alshabaab.

Ugu dambeyntiina iyadoo indhaha aduunka ay dhawaantaan ku soo baraarugeen mleeshiyaadka kooxda Alshaab oo ahaa kuwo mudo dheer dhibaato baaxad weyn ku haayey dadka Soomaaliyeed, ayaa maalmihii ugu dambeeyey waxay ahaayeen hadal haynta ugu badan ee warbaahinta aduunka maleshiyaadka Kooxda Alshabaab iyo waxa ay yihiin, Dhibaatada iyo mashaqada ka dhacday xarunta Westgate ayaa la sheegay inay ku dhinteen in ka badan 70 qofood iyadoona tira ka badan 60 qofood wali aan la ogeyn halka ay ku suga yihiin nolol iyo geeri markii ugu war dambeysana ay ku sugnaayeen xaruntaas la weeraray ee Westgate.

Abdirizak M. (Xiireey)
Holland
Abdirizakxiireey@hotmail.com

Â