Daawo Sawir laga soo qaaday qaar kamid ah Kooxaha Hubeysan ee wali xooga ku haysta Xarunta Westgate Mall

Waxaa aad u yar xogta laga heli karo Kooxaha Hubeysan ee wali gudaha ugu jira Xarunta Westgate Mall tiradooda iyo halka ay ka kala yimaadeen iyo dhalashadoodaba iyadoona ay jiraan warar kala duwan oo kooxahaasi laga tabiyay.

Waxaa Markii ugu horeesay Warbaahinta heshay sawir laga soo qaaday labo kamid ah raga Hubeesan ee gudaha ugu jira Xarunta Westgate Mall maalintii afaraad kuwaa oo wata qoryaha AK-47 booshah madaxana ugu xiran yahay calaamado madow.

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Kooxaha gudaha ugu jira Xarunta Westgate Mall ayaa la rumeesan yahay  in aysan Soomaali aheyn balse ay ku jiraan dad ajaaniib ah sida kuwa ka yimid dalal carbeed , Kenya iyo kuwa kale oo wadamada Reer galbeedka kasoo jeeda.

Salaanmedia/Mogdisho