Daawo Sawirada David Cameron Oo Carruurtiisa Sida dadka Caadiga Ah Maalin Walba Dugsiga U Geeya Isagoon Ilaalo La Socon

Dood xiiso badan ayaa ka dhalatay dalka Ingiriiska gaar ahaan, shabakadaha xidhiidhka bulshada ee Facebook iyo Twitter-ka, sawiro muwaadiniin dalkaas u dhashay ka qaadeen raysal wasaarahooda David Cameron oo carruurtiisa aroorta hore dugsiga ula jarmaadaya isaga oo aan ilaalo la socon isla markaana aan waxba ka badalnayn dhaqanka muwaadiniinta caadiga ah ee dalkaas.

Sawirada oo u badan kuwo laga qaaday Raysal Wasaare David Cameron oo wada gabadh uu dhalay oo hor taagan iskuulka, kaligiina ah ayaa isagu noqday ka figradaha ugu badan laga bixiyay, waxaanay dadkii rayigooda ka dhiibtay sida caadiyan aadamigu yahay ku kala qaybsameen fikirkooda.

Wallow ay inta badani soo dhaweeyeen kuna amaanayeen raysal wasaaraha iyagoo ku tilmaamaya nin muwaadin ah, degan oo aan isla wayni ku jirin, isla markaana bulshada iyo dalka awoodiisa iyo dhaqaalihiisa aan ku tarki falayn, oo loo baahan yahay in la taageero ayaa haddana waxa jiray kooxo iyagu aan figradaas la qabin saaxiibadood.

Inta badan dadka aan la dhicin sawiradan ayaa marka ugu horaysay su´aal ka keenaya, qofku hadduu raysal wasaare noqdo ma naftiisi ayaa la badalay mise dhaqankiisaa is badalaya? Su´aashaasi runtii waa mid wajiyo badan leh, oo wakhtigan kagama jawaabayno qormadeenan, laakiin waxa cad in kooxahani ay ku doodayaan, in shalay Markii Cameron ahaa muwaadinka caadiga ah wixii uu qabsan jiray ee waajibaadka aabo-nimo imikana uu u yaalo oo aanu jirin, wax sharci ah oo u diidaya ama wax lagu amaano oo uu soo kordhiyay.

Faysal Maxamed Xasan

Salaanmedia/ London