Daawo Sawirada: Sida uu noqon doono mudo sideed bilood gudahood Garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde Mogdisho

Shirkadda gaarka ah ee laga lee yahay dalka Turkiga ee dhawaan la wareegtay hawlaha Garoonka Aadan Cadde, ayaa waxay soo bandhigtay muuqaalka, sida ay dooneyso inay ka dhigto Garoonka Aadan Cadde.

Dowladda Federalka ee Soomaaliya, ayaa Shirkadda FAVORI kula heshiisay in muddo sideed bilood ah, ay Garoonka Aadan Cadde kaga dhigto mid Caalami ah.

Shirkadda oo 15-kii bishaan hawlaha Garoonka Aadan Cadde kala wareegtay, shirkadda laga lee yahay dalka Koonfur Afrika ee SKA, ayaa u muuqaneysa mid si hufnaan leh uga hawlgaleysa Garoonka.

Fursadaha shaqo ee ka jira Garoonka Aadan Cadde, ayaa waxaa la rajeynayaa inay kordhi doonaan, bacdamaa ay ka soconeyso shaqo la doonaayo in waqti gaaban lagu taaba geliyo.

Dowladda Soomaaliya waxay FAVORI ka rajeyneysaa, inay isbedel muuqdo ka hirgelin doonto Garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde, iyadoo markaasi u muuqaal ekeysiineysa Garoomada Caalamiga ah, sida kuwa ka jira dalalka soo koraaya.