Daawo Sawirada sida uu u dhacay toogashadii ka dhacay Xarun Ganacsi oo Nairobi ku taal iyo Xaalada oo wali kacsan

Wararkii Ugu dambeeyay ee kasoo baxaya Xarunta Ganacsi oo kutaala Bartamaha Magaalada Nairobi ee Dalka Kenya ayaa sheegaya in wali halkaasi uu kasocdo howl galo lagu bad baadinayo dad wali kujira gudaha Xaruntaasi ay weerar ku galeen kooxo Hubeesan oon wali tiradooda la heyn.

Xarunta Ganacsi ee weerarka lagu qaaday Maanta ayaa lagu Magacaabaa Westlgate waxaana waIi kasocda Howlgalo ciidamada amaanka Kenya ku doonayaan in ay ku bad baadiyaan dadka wali ku harsan gudaha xaruntaasi iyo sidii loo soo afjari lahaa Kooxihii weerarka ku galay xarunta oo wali la rumeesan yahay in ay gudaha ugu jiraan.

Xaalada ayaa ah wali mid cakiran mararka qaar ayaa la maqlayaa rasaas ka dhaceysa gudaha Xarunta Ganacsi , Ciidamo badan ayaa isku gadaamay xaruntaasi qaarkoodna gudaha u galeen , waxaa sidoo kale la arkayaa diyaaradaha Qumaatiga u kaca oo xarunta Dul heehaabaya iyo sidoo kale dabaabaadka ciidanka Kenya ayaa iyana lasoo dhoobay hareeraha Xarunta Ganacsi.

ku dhawaad 30-Qof ayaa ku dhimatay Weerarka ka dhacay Gudaha Xarunta Ganacsi waxaana ku dhaawacmay tiro intaasi kabadan iyadoona wali howlgalka uu kasocdo gudaha Xaruntaasi lagana yaabo in ay sii kordhaan qasaaraha weerarkaasi ka dhashay.

Masuuliyiinta ugu sareeya amaanka Dalka Kenya ayaa wali hor tuban iridka xarunta uu Weerarku ka dhacay , Warbaahinta ayaana loo diiday in halkaasi ka tabiyaan warar toos ah oo ku aadan xaalada ka taagan goobta uu Weerarku ka dhacay.

Waxii Warar ah ee kusoo kordha kala Soco Wararkayaga Dambe Insha Allah

Salaanmedia/Muqdisho