DAAWO SAWIRO..BOOQASHADII IMAAMKA MASJIDKA RASUULKA(SCW) EE XAAFADA WOOLWICH

IMG_0257 (800x450)
Imaamka masjidka Nebiga (SCW) ee Madiina Sheikh Saalax Al-Budayr oo booqasho ku jooga dalkan Ingiriiska ayaa shalay soo booqday xarunta Islaamka ee degmada Greenwich ee magaalada London (Greenwich Islamic cantre)
IMG_0361 (800x533)
 
Dr Saalax Al-Budayr ayaa sabtidii 14 kii September 2013 marti ku ahaa masaajidka weyn ee xaafada Woolwich halkaas oo muslimiin aad u tiro badani ay ku soo dhaweeyeen Sheekha.
IMG_0225 (800x533)
 
Ka dib markuu Sheekhu salaadii duhur na tukiyey ayuu jeediyey muxaadaro aad u qiimo badnayd taas oo uu dhinacyo badan oo wanaaga ah dadka u tilmaamay isla markaasna ka digay dhinaca xumaanta iyo macaasida 
 IMG_0349 (800x533)
Ugu horayntii waxa uu imaamku umadii hallkaas joogtay ku baraarujiyey fadliga ay leedahay qabsashada kitaabka Qur`aanka ah iyo sunihii Rasuulku(SCW) asagoo tilmaamay inay taasi u baahan tahay sabir badan iyo dulqaad.
 IMG_0319 (800x533)
Waxa uu sheekhu cadeeyey inaan tubta toosan laga halaabayn hadii lagu faro adaygo ku dhaqanka kitaabka ILaahay(SWT) iyo xadiiska Rasuulka(SCW) isla markaasna cagta la saaro raadkii saxaabada iyo selefkii hore ee saalixiinta ahaa.
 IMG_0399 (800x533)
Sheekh Saalax Albudayr oo isla markaas ah qaadiga maxkamada sare ee Madiinatul munawara ayaa walaalaha muslimiinta ah xasuusiyey geerida iyo xisaabta aakhiro ee qof walba sugaysa sheegayna in badbaadadu ay ku jirto in laga dheeraado waxyaabaha fawaaxishta ah iyo fisqigaba iyo inaan laga gudbin xuduuda ILaahay(SWT) dhigay si aan loogu daadan seeraha ku dayran waxyaabaha la xarimay
 IMG_0247 (800x450)
Sheekha oo uu safarkiisa ku wehelinaayey Sheekh Maxamed Bishri oo asna ah gudoomiyaha maxkama rafcaanka ee madiinatul munawara ayaa sheegay inaan macaasida lagu gaaloobin laakiin lagu halaagmo hayeeshe markastana ay tawbadu furan tahay, Allena(SWT) yahay Attawaabu Raxiim
 IMG_0337 (800x533)
Ugu danbayntii waxa uu sheekhu ku nuux nuuxsaday walaalnimada Islaamka, ilaalinta salaadaha faralka ah, akhlaaqda wanaagsan, in ILaahay(SWT) loo hogaansamo lagana haajiro wax kastoo xun, fadliga ay dibicsanaanta iyo rifqigu leeyihiin iyo dhibaatada ka dhalan karta ad-adayga iyo qalafsanaanta ku talax taga ama xagjirnimada wadata, waxaanu aad uuga digay bidcada iyo in diinta loo leexiyo meel aanu Rasuulkii(SW) jidaynin.
 IMG_0441 (800x533)
Dr Al Buday oo ka mid ah imaamada Masaajidka barakaysan ee nebigiinii Muxammed(SCW) ee Madiina ayaa hadalkiisii ku soo khatimay aayado Qur`aan ah oo ka tirsan suuratul Qiyaama kuwaas oo uu cod la yaab leh oo aad u macaan laguna raaxaystay aadna loogu khushuucay ku akhirieyey halkaas oo in badan oo walaalihii mislimiinta ka mid ahaa ee joogay ay ilamadu ka qubatay.
 IMG_0440 (800x533)
Sheekha iyo waftiga la socday waxa ay indha indhayn ku sameeyeen dhismaha markaska oo aad u balaadhan qabyo tirna u baahan, waxaaan ay qado sharafeed la cuneen maamulka masaajidka iyo qaybo bulshada xaafadan Woolwich ka tirsan, asagoo sheekhu booqashadiisii ku soo khatimay duco balaadhan iyo mahadnaq uu akhyaarta u soo jeediyey sida sharafta leh ee loo soo dhaweeyey loona maamuusay asaga iyo saaxiibadisii ay wada socdeen.
 
 IMG_0437 (800x533)
 
Wasalaamu calaykum waraxma
Bashe Qulunbe, Salaan media, London
IMG_0225 (800x533) IMG_0240 (800x533) IMG_0244 (800x450) IMG_0247 (800x450) IMG_0250 (800x533) IMG_0257 (800x450) IMG_0262 (800x450) IMG_0272 (800x450) IMG_0287 (800x533) IMG_0288 (800x533) IMG_0293 (800x533) IMG_0319 (800x533) IMG_0321 (800x533) IMG_0322 (800x533) IMG_0324 (800x533) IMG_0326 (800x533) IMG_0329 (800x533) IMG_0337 (800x533) IMG_0339 (800x533) IMG_0349 (800x533) IMG_0350 (800x533) IMG_0357 (800x533) IMG_0361 (800x533) IMG_0362 (800x533) IMG_0364 (800x533) IMG_0367 (800x533) IMG_0370 (800x533) IMG_0375 (800x533) IMG_0398 (800x533) IMG_0399 (800x533) IMG_0402 (800x533) IMG_0409 (800x533) IMG_0420 (800x533) IMG_0437 (800x533) IMG_0440 (800x533) IMG_0441 (800x533)