Daawo sawiro laga soo qaaday kooxihii hawlgalka ka Fuliyey westgate Nairobi oo kamaradi qabatay.

Nairobi (SM) – Dhacdadii West Gate, ayaa noqotay mid ay saameynteeda weli taagan tahay, ayada oo maalinba ay soo baxayaan dhacdooyin iyo faah faahinno cusub oo la xidhiidha.

Waxa amaanta markii ugu horeysay soo baxay sawirro ay qaaday kaamirada CCTV (Closed-circuit television), oo ku dhaganeyd xarunta West Gate. Closed-circuit television, haddii aadan weligaa maqal waa kaamirooyinka lagu xidho goobaha ganacsiga, ee duuba dhammaan muuqalada goobtaas iyo hareeraheeda, kadibna u gudbiyey TV yar, oo goobta dhex yaalla, si hadhow dib looga eego muuqaalada.

Muuqaallada CCTV-ga West Gate, ayaa muujiyey qaar ka mid ah kuwii weerarka geystay oo fulinaya toogasho iyo dadkii ay meel isugu geeyeen oo ay la heestayaal ahaanta u haysteen.

Daawo Sawirrada:

cctv 1wald-collect-mall6.JPGwald-collect-mall4.JPG