Daawo Sawirrada Bilowga Sannad-Dugsiyeeda Waxbarasho Ee 2013-2014 Oo Si Rasmiya Uga Bilowday Boorama

Waxaa si rasmiya guud ahaan Somaliland iyo gaar ahaan Gobolada Awdal/Selel Iyo Gabiley ka bilowday sannad dugsiyeedkii Waxbarasho ee 2013-2014 kaas oo ay magaalada Boorama oo qudha ay sannadkan wabarashadaas hoose u fadhiistay in ka badan 25,000 Arday sida uu noo sheegay mid ka mid ah mas’uuliyiinta waxbarashada Gobolka Awdal.

 

Picture 072

Sannadkan ayaa sidoo kale waxaa ku soo kordhay magaalada Boorama Dugsiyo Sare oo casriya waxaana ka mid ah dugsigan Sare Ee Cumar Binu Khadaab oo aan soo booqanay iyada oo ay ardaydu si toos ah waxbarashadoodii u bilaabeen waxaana warbixin kooban naga siiyay hawl u socodka arimaha waxbarasho ee dugsigan maamulka Dugsiga Sare ee Cumar Binu Khadaab Prof: C/wahaab C/laahi Aadam “Boos”

 

Maamule “Boos ” ayaa sheegay in uu sannadkan dugsiga Cumar binu khadab ay ku kordhiyeen dugsi sare oo casriya oo la mataano noqnayo dugsiyadii H/Dhexe ee Cumar Binu khadaab oo ahaa kuwo tayadooda waxbarasho ay dadwaynaha ku dhaqan Boorama u bogeen kaalmo wax ku oola oo ay markhaati madoon u yihiin dadwaynuhu sannadadii ugu danbeeyay ka galay saaxada imitixaanaadka shahaadiga dugsiyada Dhexe Ee Somaliland.

Sidoo kale maamule “Boos” Ayaa noo sheegay in ay dugsiyada kale kaga duwan yihiin in ay ardayda ka dhisaan ,dhinacyada waxbarashada, akhlaaqda iyo Moralka ardayda ee dhinacyda Waxbarashada,iyo iyaga oo fasalada ay ardaydu wax ku barato ay yihiin kuwo kookooban oo aan ka badnayn 30 Arday.

Gabogabadii Maamule Boos ayaa sheegay in ay sannadkan ku rajo wayn yihiiin in ay guul wax ku oola ka soo hoyn doonaan imitixaankii shahaadiga ee Fasalada sideedaad ee uu dugsigoodani Sannad dugsiyeedkii hore u fadhiistay kaas oo uu sheegay in ay ugu wanqali doonaan xaflad aad u qiimo leh kuwaas oo uu sheegay in ay ardaydaasi noqonaysa ardydii ugu horeysay ee lagu bilaabayo Dugsigan sare ee Cumar Binu Khadaab.

Si kastaba ha ahaatee Dugsigan oo ka mid ah dugsiyada ka hawlgala Somaliland iyo gaar ahaan Gobolkada Galbeedka oo xaruntiisa koowaad tahay Boorama yahay mid sannadwalba soo saara arday tayo leh oo dhinac walba ka dhisan tanina waxa ay noqonaysaa Talaabo kale oo ay horey u qaadeen ka dib markii ay sannad dugsiyeedkan ku kordhiyeen waxbarashadii Sare oo ay bulshada Reer Boorama in mudo ah ay dhawrayeen bilowga Maamulka Dugsiyadan.