DAAWO VIDEO: “Markaan Ashahaatey ayey isii daayeen aniga iyo xaaskeyga Qoys ka badbaaday mashaqadii Nairobi

Qoys ka badbaaday mashaqadii ka dhacday xarunta ganacsiga Westgate ee magaalada Niarobi ayaa waxay ka warameen sida aya uga soo badbaadeen Dagaalyahanada Al-shabaab iyo sheekada dhex martey ee keentay inay markii dambe ay iska sii daayaan.

Aabaha qoyskaan oo lagu magacaabo Alim Manji iyo xaaskiisa Sima Manji oo ka mid ahaa dadkii ay ku qabsatey dhibaatada xarunta Westgate ayaa waxay sheegeen inay si toos ah ay ula hadleen qaar ka mid ahaa Dagaalyahanada weerarka ku qaaday xaruntaas, Ninkaas ayaa waxaa uu sheegay inay ragaasi u sheegeen inay yihiin Soomaali islamarkaana aysan dhaqan u lahayn inay dilaan caruurta iyo haweenka, Laakiin ninkaas ayaa sidoo kale waxaa uu sheegay inuu nin la socday ninkaasi uu rasaas ooda kaga qaaday dadkii goobta ku suganaa arintas oo keentay dhaawac iyo dhimasho, Ninkaan ayaa waxaa kale oo uu sheegay inuu geesinimo is galiyey islamarkaana uu ku dhiiraday inuu la hadlo ragaas oo uuna u sheegay inuu yahay qof muslim ah asagoona ku dhawaaqay Ashahaadada, Intaas ka dib ayey waxay weydiiyeen inuu yahay qof Muslim ah taas oo uuna u sheegay inuu yahay muslim sidoo kale ayey waxay weydiiyeen inay haweeneyda la socoto ay tahay xaaskiisa

Ugu dambeyntiina ninkaas iyo xaaskiisa oo uu Ilaahay ka soo badbaadiyey dhibaatada ka dhacday xaruntaas Westgate ayaa haweeneyda uu qaba ninkaas oo sheegtay inay tahay qof aan Muslim ahayn waxay sheegtay inay jeceshahay gabadheeda yar oo ah qof Muslim ah inay ku koriso samaanta iyo dhaqanka wanaagsan ee ay leedahay diinta islaamka.

Salaanmedia/Mogdisho