Daawo Video:Golaha Wakiilada Somaliland Oo Maanta Feedh Iyo Gacan Ka Hadal Dhexmaray Kadib Dood Ay Ka Yesheen Xeerka Horumarinta Wadooyinka

Sep 18,2013 Hargaysa(SM) Mudaneyaasha Golaha Wakiiladda Somaliland maalintii sadexaad dood aad u kulul kaleh xeerka hour marinta wadooyinka oo ay madaxtoyadu u soo gudbisay Golaha,isla markaana aad ugu kala qayb samay xeerkan oo ay u kala jabeen kuwa muxaafika ah oo doonaya in la meel mariyo iyo xildhibaanada mucaridka oo hortagan.
Intii maanta socotay doodani waxa isku farasaaray laba xildhibaan oo kala ah Xildhibaan Ibraahim Mahdi Buubaa iyo Xidlhibaan Axmed Cabdi Nuur(Kijaandhe) oo kawada tirsan Golaha Wakiilada Somaliland isla markaana meelo aad u kala fog ka kala taagan xeerkan