Dagaal iyo Muran xoogan oo ka dhex qarxay haweeney Wariye ah iyo wadaad caalim ah oo wareysanaysay!!(Daawo Muuqaal+Warbixin)

Dagaal iyo Muran xoogan ayaa waxaa la sheegay inuu ka dhex qarxay haweeney ka shaqeysa telfishin ku yaala dalka Masar iyo wadaad caalim ah oo wareysanay xilli uu barnaamijka uu hawada si LIVE ah uu uga baxaayey telifishinka.

Haweeneyda lagu magacaabo Raxiim Saciid oo ka howlgasho telefishinka lagi magacaabo Al NaharTv ee dalkaas Masar ayaa waxaa barnaamijkeeda uga marti ahaa wadaadka caalimka ah ee lagu magacaabo Yuusuf Badri, haweeneydaas iyo wadaadkaas oo ugu horeyntiiba intuusan bilaaban barnaamijkaasi uu muran soo kala dhexgalay kaas oo ku saabsanaa inay haweeneydaas is asturto oo ay xirato xijaabka inta ay wareysanayso sheekhaas ayaa ugu dambeyn ay aqbashay inay qaadato xijaabka, Laakiin intii lagu gudo jirey wareysigaas ayaa waxaa ka dhex qarxay mar kale haweeneydaas iyo wadaadkaas muran kale oo ku saabsanaa su’aalo la xiriiro inay wadaadadu ay fara xumeyn iyo dhaqan xumo u geystaan haweenka iyagoo iska dhigaayo inay daawaynayaan arintaas oo uu wadaadku ka xanaaqay ka dibna uu halkaas ka dhalatay dood dheer taas oo keentay inay haweeneydii wariyaha ahayd ay xijaabka tuurto islamarkaana ay diido inay madaxeeda ay asturato.

Daawo Muuqaal Ahaan Dagaalka Dhaxmaray Wadadka iyo Wariyaha

Ugu dambeyntiina iyadoo haweeneydaas iyo sheekhaas uu dhex marey muran iyo is qabqabsi mudo socday ayaa dhowr jeer oo uu wadaadkaas oo wajiga ka dadbanaayo haweeneydaas oo uu ka codsaday inay madaxeeda asturato uu ku guul dareystay, haweeneydaas ayaa waxay ku eedeysay wadaadkaas inuu lacago ka qaatey teleefishinka si uu u soo xaadiro barnaamijkaas iyadoona ay haweeneydaas ay caro awgeed ay uga baxday goobtaas, Wadaadkaas ayaa asagana sidoo kale iyadoo ay caro weyn ka muuqato waxaa uu ku hanjabay inuu xiri doono gebi ahaanba telefshinkaas.

Abdirizak M. (Xiireey)
Holland
Abdirizakxiireey@hotmail.com