Dagaalo ka dhacay Gobolka Sh/Hoose oo la sheegay in lagu dilay Ciidamo katirsan AMISOM.

alshabaab

Saraakiil u hadlay Xarakada Al-Shabaab ayaa sheegay in xalay dagaal culus ku qaadeen Fariisimo Ciidamada AMISOM iyo kuwa Dowlada Soomaaliya ku leeyihiin Degmooyinka Janaale iyo Owdhiigle ee Gobolka Sh/Hoose.

Shabaab Saraakiishooda ayaa ku waramay in dagaal dhoor jiho ah ay ku qaadeen Fariisimada Ciidamada Dowlada iyo kuwa AMISOM ku lahaayeen degmooyinka ay weerarka ku qaadeen halkaasna qasaarooyin lixaad leh ku gaarsiiyeen Ciidamada ay weerareen.

Sargaal u hadal Al-Shabaab ayaa sidoo kale sheegay in tiro kabadan 8-Askari oo isugu jira Soomaali iyo AMISOM ku dileen Weerarka xalay ay ku qaadeen Fariisimaha Ciidamada AMISOM iyo kuwa Dowlada ku lahaayeen Degmooyinka Janaale iyo Owdhiigle

Al-Shabaab dhankooda kama aysan hadlin Qasaaraha kasoo gaaray Dagaalada ay sheegeen in ay la galeen Ciidamada Dowlada Soomaaliya iyo kuwa AMISOM , Mana jiro dhinaca Dowlada iyo AMISOM war kasoo baxay oo ku aadan dagaalada ay Shabaab sheegeen in ay ku qaadeen Fariisimahooda.

Salaanmedia/Mogdisho