Dawladda Kenya Oo Sheegtay In Haweeney U Dhalatay Dalka Britain Ay Qeyb Ka Kooxdii Weerartay Westgate

Sep 25,2013 Kenya(SM)  Wasiirka arrimaha dibedda ee Kenya Amina Mohamed ayaa Telifishin laga leeyahay dalka Maraykanka u sheegtay in dadkii weerarkaasi ku qaaday Westgate Mall ay ka mid ahayd haweeney la oran jiray Samantha Lewthwaite, oo da’deedu lagu sheegay 29 sano jir una dhalatay dalka Britain.

Ms Amina ayaa xustay in warar horudhac ah oo laga helay goobta ay tilmaamayaan in  haweeneydaasi dalka Britain u dhalatay ay ku biirtay maleeshiyaadka xagjirka ah ee Al shabaab, kadib markii ay dalkaasi ka soo tegtay.

Samantha Lewthwaite ayaa waxa ay qaadatay diinta Islaamka, waxaana la tilmaamay in uu qabi jiray mid ka mid ah raggii weerarka bambaano ku qaaday magaalada London ee dalka Britain bishii July ee sanadkii 2005,tii halkaasi oo ay dad fara badani ku dhinteen.

Madaxweynaa dalka Kenya Uhuru Kenyatta ayaa ku dhawaaqay sadax maalin oo baroor diiq ah oo ka bilaabanaysa maanta oo arbaco ah kadib markii uu tilmaamay in ay ka awood roonaadeen dadkii haystay Westgate Mall, halkaasi  oo uu sheegay in ay kudhinteen 72 ruux oo shan ka mid ah ay ahaayeen kooxdii weerarka soo qaaday iyo lix ka mid ah ciidanka ammaanka oo  ku howlanaa badbaadinta dadkii halkaasi ku xanibnaa, halka inta kale uu ku xusay in ay ahaayeen shacab.

Uhuru Kenyatta waxaa kaloo uu sheegay in 11 oo ka mid ah argagixisada ay goobta ku xanibanyihiin kadib markii ay ku duntay dabaqii ay ku jireen.

Sadax dabaq oo ka mid ah daarta Westgate ayaa duntay halkaasi oo ay ciidamadu ka baarayaan meydadka bur burka ku hoos jira, si loo kala saaro.

Dhinaca kale Baarayaal u dhashay Isra’il, Britain iyo Maraykanka ayaa ku biiray baarayaal Kenyan ah oo ku howlan sidii loo kala saari lahaa meydadka dadkii ku dhintay weerarkii Westgate,

Salaanmedia/ Kenya