Diyaarad Weyn Oo Ay Leedahay Shirkada Diyaaradaha Ee African Express Oo Saaka Soo Cagadhigatay Madaarka Hargeysa

afrikan airIsniin, Sept 23, 2013 (SM)-Madaarka Caalamiga ah ee Hargeysa ayaa Maanta Duulimaadkeedii ugu horeyey waxa ku soo fadhistay Shirkada Diyaaradaha ee African Express oo si rasmi ah u bilowday Duulimadyadeeda Magaalada Hargeysa, iyada oo markii hore Dulimaadkeedu ku ekaa Madaarka Berbera.

Diyaaradan Ayaa Sacadu Markii ahayd 10:15 ka soo degtay Rainwayga Madaarka Hargeysa iyada oo Sidday Rakaab aad u badan oo ka mid ahaa Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland.

 

Wasiirka wasaarada Duulista iyo Hawada ee Somaliland Maxamuud Xaashi Cabdi ayaa soo dhaweeyey duulimaadyada shirkada diyaaradaha ee African Express, waxaanu Sheegay in Madaarka uu yahay Mid caalami ah oo laysku halayn karo.

afrikan air2

Ugu horayn Wakiilka Diyaarada African Express Cali Xasan Gaas oo ka hadlay duulimaadyada ay ka bilaabeen garoonka diyaaradaha ee Cigaal magaalada Hargeysa ayaa waxa uu sheegay in ay tahay mid ay ku faraxsan yihiin waxaanu yidhi “Diyaarada African Express waxay bilawday duulimaadyadeeda magaalada Hargeysa, markaa Hargeysa oo kaliya kuma ekaan doono, waxa kale oo aanu fadhiisan doonaa magaalada Berbera si ay dadka gobolada berigu halkaas uga tagaan dalka, markaa duulimaadyada diyaaradan waxaanu ka dhignay afar duulimaad oo Hargeysa ah iyo laba magaalada Berbera anaga oo mar walba ka dagi doona magaalada Berbera kana kici doona,”Ayuu yidhi.

 

Kabtanka Diyarada African Express oo isagun halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in Garoonka Cigaal uu yahay mid aad tayadiisu u fiican tahay, waxanu sheegay in hanaan fiican ku soo dageen oo dhib lahayn.

 

Wasiirka wasaarada Duulista iyo hawada Somaliland Maxamuud Xaashi Cabdi oo ka hadlay duulimaadyada ay diyaaradani bilawday ayaa waxa uu sheegay inay guul u tahay qaranka Somaliland waxa uu yidhi “Guul weyn ayey u tahay qaranka Somaliland in garoonkeenii caasimadu uu yahay garoon caalamiya oo maanta isku xidhay dhamaan caasimadihii loo baahnaa, waxaanu garoonkani maanta si toosa u waraabinayaa dalka imaaraadka carabta, dalka sucuudiga arabiya, Djabouti, Ethiopia, Kenya iyo dalka Somaliya taas oo cadanaysa inuu yahay garoon sahlaya dhamaan adeegyadii looga baahnaa.”

Isaga oo Hadalkiisa sii watan waxa uu yidhi “waxay muujinaysaa oo kale in garoonka amaankiisu wanaagsan yahay, diyaaradahani waa diyaarado qaaliya oo ka qaalisan Run-Waygeena, haddii aanay halkan ku hubin amaanka iyo tayada garoonka kamay soo dageen mana ah wax af gobaadsiya iyo wax la kilin kilaynayo, umaduna waxay wada leedahay way ku faantaa garoonkana ma laha cid gaari oo aniguba bari ayaan ka tagi doonaa umadan ayaa iska leh waxaanan leeyahay maanta ayuu yahay garoon caalamiya waxaanan ku kalsoonahay inuu noqdo mid ay sumcadiisu soo baxdo, diyaaradahan Africa Express waanu soo dhawaynaynaa.” Ayuu yidhi wasiirku.

Salaanmedia/Hargaysa