
Hargeysa(SM) Sept.03, 2013-Duulimaadyadii diyaaradda Ethiopian Airline ay ku iman jirtay wadanka Somaliland, ayaa loo hakiyay sababo aan la shaacin, waxaana shalay baaqday duulimaadkeedii ay ku iman lahayd madaarka Hargeysa oo ay Axadii ka bilowday duulimaadyada sheegtayna in ay si maalinle ah u soo fadhiisandoonto.
Ma jiro war rasmi ah oo lagu sheegay hakadka ku yimid diyaaradda, laakiin ilo xogogaala ayaa sheegay in xarunta diyaaradda ee Addis Ababa, Hargeysa u soo dirtay wargelin ah in duulimaadkii diyaaradda ee Somaliland la hakiyay saddex maalmood, lamana sheegin wax sabab ah oo hakadkaas keentay. Waxase uu go’aankani jaho-wareer ku keenay dad badan oo u badnaa qurbe-joog oo ku qornaa diyaaradda, kuwaas oo shalay ku xoomay xafiisyada iyo laamaha gooya tigidhada diyaaradda si ay u helaan macluumaad la xidhiidha safarkooda.
Ilaa iyo hada kama hadlin masuuliyiinta wasaarada duulistu,sababta keentay in ay dib u soo laaban waydo diyaarada Ethopian air line oo maalin ka hor uun bilowday dulimaadyadeeda Hargeysa,balse wararka hoose ayaa sheegaya in ay diyaaradu ku qanciwayday dayactirkii lagu sameeyay madaarka oo ay u baqday diyaarada maadama ay diyaarad wayntahay.
Salaanmedia/Hargaysa