Diyaarado Laga Leeyahay Dalka Itoobiya Oo Aan La Ogayn Ujeedadooda Oo Soo Dul Dagay Duleedka Xariirad+ Cabsi Xoogan Oo Dadka Soo Food Saartay.

Sep 8,2013 Boorama(SM) – Tan iyo saaka waabarigii ayaa waxa degaanka Xariirad laga dareemayaa dhaqdhaqaaq ay samaynayaan 2diyaardood oo ah nooca qumaatiga u kaca ee loo yaqaan Helicopter-ta kuwaas oo ka soo kacaya

dhinaca kale ee xadka ee Dalka Itoobiya.

 

Diyaaradahan oo cabsi hor leh ku abuuray dadka degaanka ayaa waxa ay ku dageen buurta loo yaqaan Gari-go’an ee ku taala dhulka xadka ah ee aanay cidi-lahayn ee u dhexeeya Itoobiya Iyo Somaliland, waxana aan arintan wax ka waydiinay Wariye Maxamed Cawaale oo ku sugan Xariirad, dhacdadana indhaha ku hayay.

Wariyuhu waxa uu yidhi “Maayarka Degmada Xariirad Cumar Sh. Ibraahim Araye oo aan la xidhiidhnay waxna ka waydiinay diyaaradahan ayaa waxa uu sheegay inay la yaaban yihiin isla markaana aanay garanayn waxa sababay duulimaadyadan ay samaynayaan diyaaradaha Itoobiyaanka ahi, Maayarku waxa uu intan ku daray in uu la xidhiidhay dhinaca Itoobiya islamarkaana ay madaxda Itoobiya u sheegtay inay qabaan shiki xoogan oo ku aadan dhaqdhaqaaq degaanadaasi ka socda “Ma hubo oo ma cadayn karo waxa uu dhaqdhaqaaqaasi shikiga abuuray yahay ayuu Maayar Cumar hadalka ku soo koobay”

 

Sidoo kale madaxda Ciidanka Milatariga ee Somaliland oo aan la xidhiidhnay ayaa iyaguna ka gaabsaday inay faahfaahin ka bixiyaan dhacdadan ugubka ah ee argagaxa ku beertay dadka degaanka Xariirad ayuuyidhi Wariyuhu.

.

Tan iyo maanta galinkii dambe ayay diyaaradahaadi ku sugan yihiin isla goobtii ay ku dageen ee buurta Lama-degaanka ee xadka ku taala.

 

Salaanmedia-Boorama

Xigasho cadceed