Dowladda Uganda heegan gelisay ciidamadeeda iyo ammaanka Kampala oo la adkeeyay

newslogo2

Dowladda Uganda ayaa ciidankeeda heegan gelisay, iyadoo ammaanka caasimada Kampala aad loo adkeeyay, tan iyo wixii ka dambeeyay markii dabley hubeysan ay weerareen Xarunta Ganacsiga Westgate Mall ee magaalada Nairobi.

Wararka ayaa sheegaya in ciidamada ammaanka ay feejignaan galeen, si looga hortago weeraro Argagixiso oo lagu qaado Kampala.

Ciidamada ayaa la sheegayaa inay baaritaan ku sameynayaan gawaarida ka baxa iyo kuwa soo gala magaalada Kampala ee aada gobolada Uganda.

Qaar ka mid ah Soomaalida ku nool magaalada Kampala ayaa sheegay inay saameyn ku yeelan karto howl galada ciidamada, iyadoo ay jirto feejignaan la xiriira weeraro laga cabsi qabo.

Al-Shabaab ayaa sanadkii 2010 weeraro mataano ahaa ka fuliyay magaalada Kampala, kaasoo ay ku dhinteen dad ka badan todobaatan ruux.

Uganda ayaa ah hogaanka Ciidamada nabad ilaalinta AMISOM, waana ciidamada ugu badan ee Soomaaliya jooga ee ka socda Midowga Afrika.

Salaanmedia/Mogdisho