DUUFAANADII DAWLADA KU KACAY IYO DABAALYAHANIMADA SIILAANYO

Asalaamu calaykum
MAQAAL
Todobaadadii la soo dhaafay duufaano siyaasadeed oo ka dhashay maamul xumo baahday oo jilbaha dhigtay maamulka Somaliland ayaa doc kasta oo aad eegto ka muuqatay, sida fadeexadihii dhismaha gegida diyaaradaha ee Hargeysa iyo hakadkii ku yimi shidaal baadhista.
Laba mashruuc oo midna caawimo dawlada Kuwait inoogu deeqday, midna maalgashi caalamiya oo shirkadaha shidaalka ee aduunka qaarkood dalkeena gashadeen ayay kala ahaayeen, waxa kalooy ahaayeen laba jaanis oo maamul hufani ka faa`iidaysan karo kuna abuuran karo sumacad iyo taageero uu dadweynehiisa ka helo. Hayeeshee dawlada Somaliland maanta ka talisaa in dalqadeeda marta ayay ka doorbiday abaal duugooba oo ay dadkeeda gashato cantuugo xumideediina way ku mergatay.
Inkastoo ay maamulka iyo mucaaridkuba sababo kala duwan oo hadana isku qasan arintan ku kala macneeyeen marar kala duwan midkoodna marnaba xaqiiqada oo waadix ah ma taaban fartana boogta si buuxda uuma saarin, sababtoo ah xifaaltanka dhexdooda iyo ku xumeeda ayaa labada dhinacba biyo dhigtay kana daahday inay si kooban xaqiiqada dhacdooyinka u qeexaan.
Wax aan maamul xumo xaga dawlada ka timi ahayn oo labadaas mashruuc hakiyey ama regaadiyey ma jirto ee bal qabso. Genel energy, Ethiopian airline, mucaaridka iyo dawladuba waxay mashaqadan ka yidhaahdeen markaad isu min guurisid xaasilka kuu soo baxayaa waa MUSUQ MAASUQ dawli ah!
Diyaarad kasta oo ayadoo samada maraysa cilad farsamo ama mid jawi(Hawo) oo la maarayn karaa ku timaado iyo markab kasta oo asagoo badweynta sabaynaya ay mawjadi gilgishaaba sida uu uuga dabaashaa waxay kuu sheegaysaa khibrada iyo waayo aragnimada duuliyaheeda ama naakhuudihiisa(Captain). Duulista iyo sabayntuba khibrada wadaha kama soo hadhaan dawladnimaduna waa sidoo kale.
Hadaba duruufaha iyo dib u dhaca ay labadaas mashruuc ee dhicisoobay gayeysiiyeen maamulka Axmed Siilaanyo iyo siduu uuga dabaashay bal aan diirada saaro.
Awelan, Waxay gayeysiisay kalsoonidii dadweynaha qaar ku qabeen xukuumada oo wiiqanta iyo faro dheeraanteeda ama fadhataysigeeda oo meel shishe laga arkay waxaanay ku fadeexadoowday goob fagaare ah.
Thaaniyan, Waxay kaga dabaalatay qadaadays ayadoo life jacket boorsada kala soo baxday rakaabkiina bad weyn kaga dhaqaaqday, taas oo baal marsan sharciga maraakiibta ee dhigaaya in baxaaridu noqdaan kuwa uugu danbeeya ee ka daata markay doontu degayso.
Bal aan daaha ka faydee, booqashadii gole ka fuulka ahayd ee dhegaxa miidhan gobolada dalka qaarkood lagu soo dhigay iyo jidkii dheeraa ee Ceerigaabo ee la isku taaray waxay ahaayeen sixir ama qataar caamada lagu kala wareejiyey!!!
Ka dibna xeer midgaankii  xoolo dhaqatada iyo gaadiidleyda lagu baadhanaayey ayaa la isu hoos geliyey. Weligeedba wedkeeda ayay u sacabisaa xadhiga lagu xidhaayana xusulada ayay ku sidataa ilaa Siyaad Bare ee baarlamaankii af la haarka miidhan ahaana si fudud ayuu saxeexa uugu duugay ka dib markii dhaameel laac ah sida ugaadha loo daadiyey, odeygii gudoodiga wax soo gocan jirayna saqdii dhexe ayuu sidiisii qalinka ku duugay si waaberigaba takaaliifta loo ururiyo isla casarkabana madaxtooyada waxoogaaga loogu soo xareeyo.
Alxaasil,  odeygii sida bulshada loo kala xado loona baadho ku takhasusay halkaas ayuu far yaro bidix kaga baxay, duufaaanadii doonta ku kacayna si xeeladaysan ayuu adeerkeen Axmed Laangadhe ilaa hada uuga dabaashay ayaan odhan karaa, balse rag is gurayaa ee halka ay ku danbeyn mooyi.
Ceelkii Burco ahaa hadaan cagaha soo saaray
Ilaa cidhifka Oodweyne iyo Ciida gale gaadhay
Waxaan Arab cadaadshaba haduu calanka ii taagay
Oo ay caleemaha luleen cidhifyadii dawga
Dadkan caytamaayee adeer ciilku wada saaqay
Ina Cali Waraabiyoo sidaa Cali Guroo miidhan
Cukusiyo Xirsaa igaga filan coomiradan baase
Cidhibtood g`odayga yaa yidhaah caynkan ii dhaama!……. Erayadii Abwaan Siilaanyo
Wasalaamu calaykum
Bashe Qulunbe, London