Duulimaadkii Daallo Air-line ee saaka oo baadka galisay dhismaha Terminalka Madaarka Hargeysa

daallHargeysa(SM) Duulimaadkii saaka ee diyaaradda Daallo Air-line ayaa jiidhay Dhismaha Terminalka Madaarka Hargeysa kadib markii Baadka diyaaradu gaadhay Dhismaha madaarka.

Wax khasaare ahi soo muu gaadhin sida ay Goob joogayaal ku sugnaa madaarku  u xaqiijiyeen, hase yeeshee ilaa hada baadka diyaaradda ayaa ku jira Dhismaha, waxaanay Maamulka Madaarka iyo Shirkaddu iska kaashanayaan sidii looga saari lahaa.

Ilo wareed goob joog ah ayaa sheegaya in Trafica Madaarka ee hagayay Diyaaradu ku dhaweeyay diyaaradda dhismaha Terminalka markii ay diyaaradu Parking-ka istaagaysay taasina ayay sababtay inuu baalka xigay dhinaca Dhismuhu gaadho gidaarka.

Ilaa hada wasaaradda Duulistu wax jawaab ah kamay soo saarin Shilkan oo ah sida lagu soo waramayo mid aad u fudud.

Salaanmedia/Hargaysa

Waheen