Ethiopian Airlines Oo Markale Hakisay Duulimaadkeedii Madaarka Hargeysa Iyo Jaha-Wareer Ku Dhacay 150 Rakaab Ah Oo Shalay Ku Lug-Go’ay Garoonkaasi

Sep 9,2013 Hargaysa(SM) Diyaaradda Ethiopian Air-lines ayaa shalay markale si kadis ah u hakisay Duulimaadkeedii Madaarka Hargeysa, kaas oo sababay in Jaha-wareer wayni ku dhaco Rakaabkii sugayey inay raacaan Diyaaradaas oo tiradooda lagu sheegay 150 qof, kuwaas oo iyagu ku lug-go’ay Garoonkaas, isla markaana si wayn uga wada xumaaday arintaas oo culayskeeda laga dareemay Saxmadda Madaarka Caasimadda. Sidoo kale Dadkan iyagu ku hungoobay shalay inay raacaan Diyaaradda Ethiopian Airlines ayaa iyagu todobaadkii ugu danbeeyey markii labaad ay ku dhacday ka dib markii sidan oo kale ay 2-dii bishan September ee sanadkan ay si kadis ah u joojisay sabab aan la garanaynin awgeed Duulimaadkeedii labaad ee ay Madaarka Hargeysa ku timaado tan iyo markii dib u Casriyeynta lagu sameeyey, taas oo iyadana wakhtigaas ku hungoobeen rakaab ka badan 120 qof oo dalka dib uga dhoofayey.
Inkasta oo aan si dhab ah loo ogayn sababta keentay inay Ethiopian Airline ay markii 2-aad si kadis ah u joojiso Duulimaadkeedii Caasimadda, iyada oo ay Rakaab badan oo raaci lahaa ku sugan yihiin halkan, balse sida Ilo lagu kalsoon yahay ay Wargeyska Haatuf u sheegeen go’aanka ay Diyaaradaasi qaadatay ayaa lala xidhiidhiyey inay ka war-warsan yihiin Amaanka Madaarkaas, iyada oo Xukuumadda Somaliland iyo shirkadda Qandaraaska dib u dhiska Run-waygaas qaadatay aanay fulinin adeegyada Amaanka Garoonkaas oo sida Ilahaasi xuseen ay ka mid ahaayeen Dayr lagu soo wareejiyo Madaarka Igal International Airport. Dhinaca kale arimaha lala xidhiidhiyey Hakadka Diyaaradda Ethiopian Airline ayaa waxa sida la sheegay ka mid ah in Jid dhinaca bari ka mara Run-wayga Madaarka oo ay xukuumadu xidhi kari wayday ilaa hada, kaas oo ay isticmaalaan gaadiidka dadwayaha reer Miyiga ah ay Madaxda Xafiiska Diyaaradaas ee xaruntiisu tahay Adis-ababa ay u arkeen khatar wayn inuu ku yahay, halka ay ilahaasi intaas ku dareen inay warwar ka qabaan dhismayaasha sii badanaya ee ku soo badanaya maalinba maalinta ka danbaysay agagaarka Garoonka diyaaradaha ee Igal ee ku yaala Magaaladda Hargeysa.

Salaanmedia/Hargaysa Office

Source Haatuf