Foosiya Yuusuf X. Aadan oo Buug ku Soo Bandhigaysa Dhibaatooyin ay kala kulantay Xilka ay ka hayso Soomaaliya.

foosiya

Foosiya Yuusuf X. Aadan oo Buug ku Soo Bandhigaysa Dhibaatooyin ay kala kulantay Xilka ay ka hayso Soomaaliya Muqdisho, 15 Sept, 2013 (SM)- Wasiirka Arrimaha debadda, ahna Raysal-wasaare ku-xigeenka Dawlada Federaalka ee Soomaaliya Foosiya Yuusuf  Xaaji Aadan, ayaa cabasho xooggan ka muujisay dhibaatooyin culays dheeraad ah ku haya oo ay kala kulanto masuuliyadda ay ka haysa dawladda dalkaas. Foosiya Yuusf  X. Aadan oo dhalasho ahaan ka soo jeedda Somaliland, balse wakhtigan xil ka haysa Somaliya, waxa ay gun-dhigga dhibaatooyinka kala soo gudboonaaday masuuliyadda ay hayso u nisbaysay warbaahinta laga leeyahay dalkaas oo ay sheegtay inay ka qoraan warar lagu carqaladaynayo xilka ay hayso.

Marwo Foosiya Xaaji Aadan oo waraysi siisay qaar ka maid ah Warbaahinta Soomaaliya, waxay sheegtay, inay buug ku soo bandhigi doonto mushkiladaha ay kala kulantay xilka wasiirka Arrimaha debedda ee Somaliya, kuwaas oo sida ay sheegtay badankoodu ka soo gaadhaan saxaafadda Somaliya oo ka tebisa warar ay ku tilmaantay dacaayad lagu waxyeelanayo sharafteeda. “Arrimaha ay qorayaan Shabakadaha Soomaaliya ee ay wali sii wadaan waxay baabi’inayaan qofka u dhaq-dhaqaqaaya Dalkan. Laba Warqadood ee ay isku qaldayaan intay Dadka qiyaameyeen ee ay magaca qariyeen ee ay ku qoreen Foosiya ayaa saxeexday Baddii Soomaaliya oo hishiis la gashay Wasiirka arrimaha debadda ee Kiiniya wax ka jiraana majiraan waana dacaayad layga fidinaayo,” ayay tidhi Foosiya Y. Xaaji Aadan. Waxa ay Wasiirka Arrimaha Debedda Somaliya ka hadashay caqado la soo dersaday muddadii ay ka tirsanayd dawlada Somaliya ee uu hoggaamiyo Madaxweyne Xasan Sh.

Maxamuud, waxaanay tidhi, “Intii aan Xilka hayey dhibaatooyinka aan kala kulmay  Soomaaliya way badan yihiin oo mayara runtii, waxaana doonayaa inaan buug ka qoro wixii aan soo maray lixdaas bilood ee aan joogay wixii igaadhay iyo daruufihii aan maray ee iigu adkaa in aakhirka aan buug ku soo bandhigo.” Warbaahinta Internetka ee laga leeyahay dalkaasi Soomaaliya, ayaa badankoodu dhawaan daabaceen eedaymo loogu jeediyey Marwo Foosiya Yuusuf X. Adan inay si qarsoodi ah heshiisyo dhinaca badda Soomaaliya ah la gashay dhiggeeda waddanka Kenya, kaas oo sida ay baahiyeen sheegayey in dalka Kenya lagu wareejiyey qaybo ka mid ah Biyaha Badda ee Soomaaliya.   

Salaanmedia/Hargaysa

Xigasho  Ogaannews