Golaha wakiilldu haday ansixiyaan xeerka lagu magacaabay waddo marista…

BAAQ

Golaha wakiilldu haday ansixiyaan xeerka lagu magacaabay waddo marista ee cashuur kordhinta xoollaha dalku wuu baaba,ayaa ha ogaadaan‏‎

BAAQ INAANLA ANSIXIN MASHRUUCA XEERKA WADDOOYINKA

                           XUSEEN XIRSI CAAMIR

 

bismillaahi raxmaanu raxiim belaayo kastaba bisinkaa laga qabsadaa

 

hadaba maanta waxaan u kacay in aan aqoontayda gaaban kaga hadlo 

dhiilooyinkan is daba socda ee ka soo yeedhaya dalkii somali land taan

ka doorto.

 

waxa aynu ognahay inuu golaha wakiilladu billaabay kalfadhiyadiisii 

caadiga ahaa oo xeerar hor yaalaan wasiirrona loo yeedhay qaarna la

ansixiyey shiradii sahaminta shiidaalku guurtey ,sidoo kale ethiopian

Airline joojisey duulimaadyadii ay ku imanjirtey dalka waxaasoo dhan

waxa u aabo ah oo marag madoon ah maamul xumo musuqmaasuq iyoku

takrri fal masuul kastaaba ku takri falayo awoodiisa oo aanay kala danbayn

iyo laxisaabtan jirin

 

hadaba maanta qofkasta oo u dhashay JSL waxa u muuqata ama haysta dhib

aan dawadeeda dhakhso loo heleynin dhibkaas oo ah boob hantidii qaranka 

eex qabyaallad wax is daba marin iyo iyadoo aan la haynin cid la xisaabtanta

shakhsiyaadka ku kacaya arrimahaas haday noqon lahayd aqalkii wakiillada

hanti dhawrkii, iyo garyaqaankii ,amaba asxaabtii mucaaridka ahayd iyo wixii

la hal maala

 

hadaba tan ugu foosha xun ee inagu soo foolka lihi waa mashruucan loo bixiyey

waddo marista ee ay maddaxtooyadu dabada ka riixayso soona hor dhigtay

golaha wakiillada si ay ugu sharciyeeyaan mashruucan oo noqonaya baabi,ii 

iyo burburkii JSL hadii golaha wakiilladu ansixiyaan waayo waxa uu ku salaysan

yahay in xoolaha nool lagu kordhiyo cashuur iyo takaaliif aan sinaba caqliga

fayawi ugu qanci karin sidaa darteed waxa looga fadhiyaa aqalka wakiillada

in ay diidaan oo joojiyaan mashruucaa hadii taasu dhici weydo oo ay ogolaadaan

waxa dhacaysa in ay wixii keli ahaa ee aynu debedda u iib kayn jirrey oo ahaa xoolaha 

nool is taagaan

 

dadkuna ku xidhmaan dekedda boosaaso oo xoollaha loo leexiyo hadaba waxaa

looga fadhiyaa aqalka wakiillada in aanay maslaxad yar iyo dan shikhsi ah siisan

masiirka dalka iyo ummadii dooratay oo ay illaaliyaan jiritaanka dalkan iyo dhawrista

dadka danyarta ah ee lagu tacadiyayo hadii kale oo ay mashruucaa ansixiyaan oo 

ogolaadaan dalkuna wuu burburi oo naafoobi aqalka wakiilladuna waxa uu taariikhda

ka geli baal madaw oo shaabad ku noqda mid kasta oo ka mid ah

 

wa billaahi tawfiiq