Guddida Hoggaaminaysa Shirka Beelaha Sacad Muuse Uga Furmay Agabar Oo Si Wadajir Ah Loo Magacaabay.

Guddida Hoggaaminaysa Shirka Beelaha Sacad Muuse Uga Furmay Agabar Oo Si Wadajir Ah Loo Magacaabay.

 

Suldaanka Guud ee Subeer Awal, Salaadiinta beelaha Sacad Muuse iyo Ganacsato hawsha gacanta ku hayay,ayaa si wada-jir ah u soo saaray guddi hogaaminaysa shirka…

Sida lagu sheegay qoraal caawa ka soo baxay Mr. Maxamed Xuseen Axmed-yaasiin,oo ah Afhayeenka Guddida Ganacsatada, ahna guddida qabanqaabada shirka Sacad Muuse, waxa la magacaabay 11-xubnood oo isugu jira xubnaha shirguddoonka shirka Agabar iyo hawladeennada kale shaqayn doona muddada shirku socdo.

Suldaanka Guud ee Subeer Awal, Salaadiinta Sacad Muuse, guddida ganacsatada, isla markaana ah guddida qabanqaabada shirweynaha Sacad Muuse,waxay wada-jir u soo saareen guddida hoggaaminaysa shirka Sacad Muuse oo ka kooban 11-xubnood ee magacyadooda iyo xilalkooduba hoos ku qoran yihiin,sidaa darteed, waxaan ugu baaqaynaa dhammaanba bulshoweynta beelaha Sacad Muuse guddo iyo dibadba inay si buuxda ula shaqeeyaa.

11-ka xubnood ee shirka Sacad Muuse hoggaamintooda waxay kala yihiin;

1- Guddoomiyaha Shirguddoonka – Sheekh Almis Yaxye Xaaji Ibraahim
2- Guddoomiye-ku-xigeenka 1aad – Chief Caaqil Cabdiraxmaan Xasan Xoore
3- Guddoomiye-ku-xigeenka 2aad – Dr. Maxamed Aw Daahir Ibraahim
4-Guddoomiye-ku-xigeenka 3aad – Nuur Cismaan Aadan
5- Xoghayaha Guud – Siciid Muuse Bustaale
6- Kaaliyaha Xoghayaha – Eng. Maxamed Aw Yuusuf Cumar
7- Kaaliyaha 2aad ee Xoghayaha – Ibraahim Faarax Cabdi
8- Afhayeenka shirka – Prof. Mawliid Maxamed Muumin
9- Hab-maamuuska shirka – Carab Xaaji Maxamuud Cali
10-Nabadgelyada iyo kormeerka Shirka – Cali Maygaag Muuse
11-Agaasinka Shaqaalaha – Xasan Siciid Muxumed.

Qoraalkan oo uu mudane Maxamed Xuseen Axmed-yaasiin ku muujiyay in loo bahan yahay in gacmaha la is qabsado dhammaanba bulshoweynta beelaha Sacad Muuse guddo iyo dibadba ayna si buuxda ula shaqeeyaan gudidaa loo igmaay hawsha reerka.

Salaanmedia/Hargaysa