Guddiga Kala Wareejina Maamulka Garoonka Aaden Cadde Mogdisho Ee Shirkadaha SKA Iyo Favori Oo Shiray + Video Qalabka Cusub Ee Garoonku Ku Hawl geli Doono

Sept 12, 2013 Mogadishu (SM) – Shir ay ka qaybgaleen xubno ka tirsan golaha wasiirada iyo masuuliyiin ka kala socotay shirkadda SKA ee gacanta ku haysta maamulka Garoonka Aaden Cadde iyo Shirkaddda FAVORI ee dalka Turkiga laga leeyahay ayaa ka dhacay Gudaha garoonka Aaden Cadde. Shirkan oo ay soo qabanqaabiyeen guddiga xaqiijinta kala wareegitaanka maamulka Garoonka Aaden Cadde, ka kooban shan xubnood ayna hormuudayaan xubno ka tirsan golaha Wasiirada ayaa kusoo dhamaadey heshiis iyo afgarad.


Shirkan waxaa goob joog ka ahaa Wasiirka Arimaha Gudaha Mudazane Cabdikariim Xuseen Guuleed, Wasiirka Warfaafinta Mudane Cabdullaahi Ciilmooge Xirsi, Taliyaha Hoggaanka Socdaalka iyo Jinsiyadaha Gen. Cabdullaahi Gaafoow, Maareeyaha Guud ee hay’adda SCAMA Eng. Cali Maxamuud, Maareeyaha Garoonka Aaden Cadde Axmed Ibraahim Iimaan iyo madaxda ugu saraysa labada shirkadood ee SKA iyo Favori.

Shirkan oo ujeedadiisu ahaa in la xaqiijiyo qorshaha kala wareegga labada shirkadood ayaa looga hadlay sidii maamulka garoonka loogu wareejin lahaa shirKada Favori marka la gaaro waqtiga ku qornaa heshiiska oo ah 15ka bishan Sept. Guddida ayaa markii ay dhageysteen warbixinada labada shirkadood waxay go’aamiyeen in shirkadda SKA ay isku diyaariso wareeginta maamulka garoonka Aaden Cadde marka la gaaro 15ka Bishan Sept.

Si loo hubiyo isla markaana loo xaqiijiyo in shirkadda FAVORI ay diyaar u tahay isla markaana haysato qalab ku filan oo ay shaqada kula wareegto waxaa loo balamay in maalinka Sabtida ah 14/09/13 si tijaabo ah loo hubiyo dhamaan qalabka iyo shaqaalaha udiyaarsan FAVORI si ay shaqada ula wareegto maalinka xigta oo ku aaddan Axadda. Dawladda Federaalka Soomaaliya ayaa bishii June heshiis la gashay shiradda FAVORI ay kula wareegi doonto maamulka Garoonka Aaden Cadde.

Salaanmedia/Hargaysa